Biden: Waxaa jirta rajo laga qabo in xabad joojin ka dhaqan gasho Gaza

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay inay jirto rajo laga qabo in Israel iyo Xamaas ay toddobaadka soo socda gaaraan heshiis si ku-meel-gaar ah loogu joojinayo dagaalka ka socda Marinka Gaza.

Masuuliyiin ka kala socda Qatar, Masar, Israel iyo Mareykanka ayaa ka shaqeynaya wada-xaajoodkii ugu horreyay ee lagu joojinayo colaadda, tan iyo dhammaadkii bishii November.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in La taliyihiisa Amniga, Jake Sullivan uu la soo wadaagay in lagu dhow yahay in la gaaro heshiiska xabad joojinta.

"La taliyahayga Amniga Qaranka ayaa ii sheegay inaan isku dhow nahay." Ayuu yiri Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada New York.

"Waan ku dhow nahay, weli ma dhammaan, rajadayda ayaa ah Isniinta soo socota inaan helno xabad joojin." Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Hindisaha heshiiska ah ayaa ah in dhinacyadu ay gaaraan heshiis muddo lix toddobaad ah lagu hakinayo dagaalka iyo inay sameeyaan maxaabiis is dhaafsi.

Xamaas ayaa laga dalbanaya in ay sii deyso la haysteyaasha Israeliyiinta, halka Israel-na ay xabsiga ka sii deyn doonto qayb ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyadeeda.

Xamaas iyo Israel ayaa daba-yaaqadii bishii November gaaray heshiis maxaabiis is dhaafsi ah. Xamaas ayaa xilligaasi xabsiga ka sii deysay 80 qof oo Israeliyiin ah, halka Israel ay dhankeeda sii deysay 210 qof oo Falastiiniyiin ah.

In ka badan 130 qof oo Israeliyiin ah ayaa hadda lagu haystaa Marinka Gaza.