Cadaadiska sii kordhaya ee caalamka iyo dhega adeyga Netanyahu

Qaramada Midoobey iyo hoggaamiyeyaasha dunida ayaa sii wada cadaadiska ay Israel ku saarayaan inaanay weerarin deegaanka Rafah oo dhaca xadka Gaza iyo Masar, isla-markaana ay ku barakaceen ku dhawaad 1.5 milyan oo shacab ah.

Qaramada Midoobay iyo dalal badan oo ay ku jiraan xulafada Israel oo Mareykanka uu ugu horreyo ayaa muujiyay, sida ay uga soo horjeedaan duulaanka uu amray Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu in ciidamadiisu ay ku qaadaan deegaanka ku yaala jiidda koonfureed ee Marinka Gaza.

Iyadoo in ka badan kala bar dadka reer Gaza ay ku barakaceen Rafah ayaa waxaa jirta cabsi laga qabo in hawlgalka dhinaca dhulka ah ee Israel ku qaadayso Rafah uu cawaaqib xun ku yeelan doono dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo ugu dambeeyay ayaa Netanyahu uga digay in ciidamadiisa ay weeraraan deegaankaasi oo dadka rayidka ah ay ku badan yihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in duulaanka uu kaga sii dari doono xaaladda bani'aadantinimo ee ka jirta Gaza, taas oo sida uu sheegay aan la aqbali karin.

Jarmalka oo mar kale ku celiyay walaaciisa ku aaddan cawaaqibka uu yeelan karo duulaankan ayaa sheegay in laga dhaxli doono masiibo daran oo bani'aadantinimo, dhimasho iyo silic ba'an.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, haweeneyda lagu magacaabo Annalena Baerbock ayaa sheegtay in xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza ay noqoneyso mid aad u adag saacadba saacadda ka dambeysa, iyadoo boqolaal kun oo qof ay wajahayaan bay tiri gaajo iyo khatar macluul ah.

“Gaza waxay qarka u saaran tahay burbur. Rafah 1.3 milyan oo qof ayaa lagu hayaa meel aad u xadidan, iyagoo ku nool xaaladaha ugu xun." Ayay tiri Annalena Baerbock oo booqasho ku joogta Israel.

Waxay sheegtay in inkastoo Israel ay xaq u leedahay inay is difaacdo, haddaan ay tahay inay u hoggaansanto shuruucda caalamiga ah, isla-markaana ay qaaddo tallaabooyin ay ku ilaalineyso dadka rayidka ah.

"Qaar badan oo shacabka ka mid ah, waxay raaceen amarada daadgureynta Israel, waxayna ka carareen aagagga dagaalka ee waqooyiga Gaza. Inta badan iyaga oo aan haysanin wax kale oo aan ahayn carruurtooda oo ay gacmaha ka qabsadeen iyo dharka ay wataan ayay ka baxeen meelihii la amray inay banneeyaan, haddana in lagu weeraro meeshii ugu dambeysay ay taggeen, waxay gebi ahaanba kaga sii dari doontaa xaaladda bani'aadantinimo. Dadka Rafah waxay u baahan yihiin meelo ammaan ah iyo waddooyin nabdoon." Ayay sii raacisay Annalena Baerbock.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa dalbanaya in Israel ay furto marinada gargaarka, si lagaga jawaabo macluusha ay qarka u saaran yihiin shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Marinka Gaza ayaa la ildaran cunto xumo, biyo, dawo iyo shidaal la'aan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa 22-kii bishii December meelmariyay qaraar dalbanaya in si degdeg ah oo ammaan ah, oo aan la carqaladeyn gargaarka naf badbaadinta ah lagu gaarsiiyo Marinka Gaza, tiiyoo aanay Israel u hoggaansamin.

Madaxa Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada, Martin Griffiths ayaa mar sii horreysay sheegay inaanan gargaar dhameystiran la gaarsiin karin Gaza, inta ay Israel sii waddo weeraradeeda arxandarada ah.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in boqolkiiba shan iyo sideetan (85%) dadka Gaza ay ku barakaceen weerarada Israel, halka lixdan boqolkiiba (60%) dhismayaashii la deganaa la burburiyay.

Israel oo duulaankeeda ku ballaariso Rafah ayaa kordhin karta xiisadda ka jirta gobolka, marka aad eegto carrada dadka gobolka oo soo dedejisay weerarada maraakiibta Badda Cas, xiisadda ka oogan xadka Lubnaan & Israel iyo beegsiga lagu hayo Saldhigyada Ciidamada Mareykanka.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa ku hanjabay in ay qaadi doonaan tallaabooyin dheeri ah, haddii Ciidamada Israel ay hawlgal dhinaca dhulka ah ka bilaabaan Rafah.

Netanyahu oo ka dhega adeygaya cadaadiska caalamiga ah ayaa ku celiyay in militarigu ay cagta dhigi doonaan Rafah.

Si kastaba ha-ahaatee dunida ayaa fahamsan, haddii Israel ay duulaan ku qaaddo Rafah inaanay u naxariis fili doonin dadka rayidka ah, waana tan walaaca ku hayso.