Ciidamada Israel oo bukaanadii ugu badnaa kala baxay Isbitaalka Nasser

Ciidamada Israel ayaa weli gudaha ugu jira Isbitaalka Nasser ee deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza, ka dib markii ay xoog ku galeen Khamiistii.

Taliska Militariga Israel ayaa xilligaasi sheegay in ay bilaabeen hawlgal ay ku soo samatabixinayaan dad Israeliyiin ah oo Xamaas ay afduub ugu haysato gudaha isbitaalkaasi iyo weliba meydadka maxaabiis dhintay oo la geeyay isbitaalkaasi.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Militariga Israel ay isbitaalka ka qabqabteen 100 qof, oo isugu jira dadka ku dhaawacmay duulaanka Israel ee Gaza iyo dad kaloo bukaan ahaa oo halkaasi xaaladdooda lagu la tacaalayay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in shan qof oo bukaan ahaa ay Jimcihii u dhinteen daryeel la'aan, ka dib markii la jaray korontada isbitaalkaasi oo keentay in bukaanka ay oxygen la'aan u geeriyoodaan.

"Ciidamada Israel ayaa masuul ka ah wax kasta oo soo gaara bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka, maadaama ay iyagu si buuxdo gacanta ugu hayaan dhismaha isbitaalka." Ayay wasaaraddu ku sheegtay war qoraal ah oo ay soo saartay.

Ashraf Al-Qedra, Afhayeenka Wasaaaradda Caafimaadka Gaza oo isna hadlay ayaa sheegay in laba haween oo umulayay ay ku umuleen biyo la'aan, cunto la'aan iyo hab lagu kululeeyo oo aan ka jirin isbitaalka, xilligan uu qabowga ka jiro Gaza.

Afhayeenka ayaa sheegaya in koronto la'aanta ka jirta isbitaalka iyo sahayda caafimaad ee loo baahan yahay in la geeyo oo la hortaagan yahay ay halis gelineyso daryeelka bukaanka.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay illaa labaatan qof, oo lala xiriirinayo dagaal-yahanada Ururka Xamaas. Taliska ayaa sheegay in ay tuhunsan yihiin in dadkan ay ka qayb qaateen weerarkii October 7-deedii.

Waxay sheegeen in ciidamadooda ay sidoo kale isbitaalka ka heleen rasaas iyo hub, taas oo aan wax caddeyn ah loo hayn.

Talisku ma sheegin wax maxaabiis ah oo ay ku soo samatabixiyeen hawlgalka maalintii saddexaad ay ciidamadooda ka wadaan Isbitaalka Nasser.

Xamaas ayaa si adag u beenisay inay jiraan xubno ka mid ah dagaal-yahanadeeda oo ku sugan isbitaalkaasi.

"Sheegashada cadowga waa mid looga dan leeyahay in lagu qariyo burburinta isbitaalkaasi." Ayaa lagu yiri war ay soo saartay Xamaas.

Afhayeen u hadlay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) oo lagu magacaabo Tarik Jasarevic ayaa sheegay in shaqaalahooda ay isku dayayaan inay gaaraan isbitaalka, ka dib weerarkii Israel.

"Waxaa jirta baahi degdeg ah oo loo qabo in la keeno shidaal, si loo xaqiijiyo sii wadidda bixinta adeegyada naf badbaadinta." Ayuu yiri Jasarevic.

Ciidamada Israel ayaa weeraray isbitaalka, ka dib dhowr toddobaad oo go'doomin ay ku hayeen.

Isbitaalkan oo ah kan ugu weyn ee ku yaala koonfurta Gaza ayaa adeegga uu bixiyo uu muhiim u yahay dhaawacyada iyo dadka kale ee bukaan socodka ah.

Ololaha militari ee Israel iyo ciqaab wadareedka ka dhanka ah dadka rayidka ayaa ka walaaciyay dunida.