Ciidamada Israel oo laayay shacab sugayay in raashiin loo qaybiyo

Ciidamada Israel ayaa maanta fal kale oo dad rayid ah ay ku laayeen ka gaystay Marinka Gaza, iyadoona uu khasaaraha isa soo tarayo.

BBC ayaa ilo ka tirsan Militariga Israel ka soo xigatay in ciidamadooda ay rasaas furayn, xilli ay u arkayeen in halis ay soo food-saartay.

Saxafi ku sugnaa waddo ku taala koonfur galbeed ee Gaza ayaa isna BBC u sheegay in taangiyada Israel ay beegsadeen dad fara-badan oo shacab ah oo sahay u yimid halkaasi.

Goobjooge kale ayaa CNN u sheegay in gawaarida gargaarka ay markii dambe jiireen dad badan, xilli ay isku dayayeen in ay ka baxsadaan rasaasta Ciidamada Israel.

Muuqaalo la soo dhigay barraha bulshada ayaa muujinaya meydad lagu soo daadgureeyay gaari dameero, meel u dhow agagaarka Nabulsi ee Waddada Rashid (Rasheed) ee xeebta galbeedka Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Militariga Israel ay halkaasi ku dileen in ka badan 100 qof oo dad rayid ah, boqolaal kalena ay ku dhaawaceen.

"Ugu yaraan 104 qof ayaa lagu dilay, 760 kalena way ku dhaawacmeen rasaas ay Ciidamada Israel ku furayn dad rayid ah oo gaajeysan oo sugayay in raashiin loo qaybiyo." Ayay wasaaraddu ku sheegay war ay soo saartay.

Taliska Milatariga Israel ayaa bayaan uu gelinkii dambe ee maanta soo saaray isaga fogeeyay eedeymaha ah in ciidamadooda ay dad shacab ah ku laayeen Waddada Rashid ee Marinka Gaza.

Taliska ayaa sheegay in ay xogta ku hayaan in dadkaasi ay jiireen baabuurta xamuulka ee gargaarka gaynaya Marinka Gaza.

Taliska ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya boqolaal qof oo ku hareereysan gaadiidka gargaarka, taasoo keentay bay yiraahdeen in tobanaan qof ku dhintaan, tobanaan kalena ay ku dhaawacmaan is riixis goobtaasi ka dhacday, isla-markaana ay qaar kale jiireen baabuurtu.

Hase yeeshee goobjoogeyaasha ayaa sheegay in shilku uu ka dambeeyay, ka dib markii Militariga Israel ay si ula kac ah u bartilmaameedsadeen dadkaasi.

Dhacdadan oo ay ka argagaxeen bulshada caalamka ayaa mar kale indhaha dunida ku soo jeedisay Gaza.

Ciidamada Israel ayaa weeraro cir iyo dhulba leh ka wado Gaza, oo Tel Aviv ay sheegtay in ay xididada ugu siibeyso Ururka Xamaas.