Ciidamada Laftagareen oo dhaqdhaqaaq ka wada duleedka Baydhabo

Wararka ka imanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay dhaqdhaqaaq ka wadaan duleedka magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa waxay isugu jiraan ciidamo ka goostay Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan oo ka biyo diidan is bedelkii maamul iyo amni ee 30-kii bishii March ka dhacay Baydhabo, meeshana looga saaray maamulkii uu madaxda ka ahaa Cabdicasiis Laftagareen, waxaana hoggaaminaya saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsanaa maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay wax aad mooddo abaabul ka wadaan deegaanada dhaca duleedka waqooyi ee Baydhabo, sida Ceeldoon iyo Haabare.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamo kale oo taageereyaasha Laftagareen ah ay ku sugan yihiin meel u dhow deegaanka Burjeed oo 11km jihada bari uga beegan magaalada.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa barro kontorool ku leh Burjeed iyo aagga Ceeldoon, waxayna ka mid yihiin goobaha laga ilaaliyo amniga Baydhabo.

Dhanka kale maleeshiyaad qabaa'il, isla-markaana la safan Laftagareen ayaa la sheegay in Axaddii shalay lagu arkay nawaaxiga Xeradii Militariga Manaas oo 30km jihada waqooyi galbeed uga beegan Magaalada Baydhabo. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay ka timid dhinaca Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa saaka bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in halganku uu sii socon doono, illaa iyo inta ay deegaanada Koonfur Galbeed ka xoreynayaan.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku sugan Baydhabo ayaa waxaa muuqato in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ka jira daafaha magaalada, tiiyoo aysan weli qaadin wax tallaabo ah.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa cabsida ku kordhinaya shacabka ku nool Baydhabo oo cabsidii ugu weyneyd dareemay 17-kii bishan, markaas oo magaalada ay weerar ballaaran ku qaadeen taageereyaasha Laftagareen.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo Sabtidii shir jaraa'id ku qabtay Madaxtooyada Baydhabo ayaa ciidamada ka soo horjeeda ugu baaqay inay u soo laabtaan dadkooda, haddii kalena lagu weerari doono meelaha ay joogaan.

Xoogaga u daacadda ah Laftagareen ayaa culeys amni ku haya Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Koonfur Galbeed.