Dad rayid ah oo ku dhintay duqayn ka dhacday dalka Lubnaan

Israel ayaa tan iyo Arbacadii kordhisay duqaymaha ay ka gaysaneyso koonfurta dalka Lubnaan, xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda kala dhaxeysa Ururka Xisbullah.

Diyaarad drone ah ayaa bartilmaameedsatay dhisme la degan yahay oo ku yaala Magaalada Nabatieh, halkaas oo ay ku dhinteen toddobo qof oo shacab ah.

Dhammaan dadkan oo isku qoys ahaa ayaa la sheegay in mid ka mida uu canug yar ahaa.

Wiil yar oo markii hore duqaynta lagu waayay ayaa mar dambe isagoo nool laga helay burburka dhismaha, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu khasaarahaa ee goob qura ka soo gaara dadka rayidka ah, ka dib in ka badan afar bilood oo xiisad ay ka taagneyd xuduudda Lubnaan iyo Israel.

Duqayn kale oo ka dhacday deegaanka Sawaneh ee koonfurta dalkaasi ayaa galaafatay nolosha hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ay beegsadeen kaabeyaasha dhaqaalaha ee Xisbullah.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in militarigu ay sii wadi doonaan weerarada joogtada ee ka dhanka ah Xisbullah.

Xisbullah ayaa Khamiistan ku dhawaaqday in ay ka aargudan doonto duqaymahan ugu dambbeeyay, isla-markaana ay Israel qaadi doonto masuuliyadda, wixii cawaaqib ah ee ka dhasha.

Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa cambaareeyay kororka weerarada, waxaana uu Israel ku eedeeyay inay xaaladda uga sii dareyso.

"Xilli aan ku adkaysanayno in dhammaan dhinacyada aan ugu yeerno inay is dejiyaan, si aysan xaaladda u kicin ayaa waxaan ogaanay in cadowga Israel uu sii fidinayo gardarada." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Mikati ayaa Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda faray in uu diyaariyo dacwad ka dhan ah duqaymaha ay Israel ka waddo koonfurta dalkaasi iyo kororka waxyeelada dadka rayidka ah, isla-markaana uu u gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Duqaymaha ay dhinacyadu is weydaarsanayaan ayaa soo dedejin karta cabsida laga qabo in dagaal buuxa uu ka dhex qarxo Israel iyo Xisbullah.