Dadka reer Gaza oo caqabad kale ay soo wajahday

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa waxaa laga yaabaa in lagu khasbo inay joojiso howlaha gargaarka naf badbaadinta ah ee ay ka waddo Marinka Gaza, ka dib markii dalalka reer galbeedka qaarkood ay sheegeen inay joojinayaan dhaqaalihii ay siinayeen.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka gadaal markii 12 ka mid ah Shaqaalaha Hay'adda UNRWA lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Wararka ayaa sheegaya in hay'addu ay shaqada ka joojisay 9 ka mid ah xubnahaasi oo la aqoonsaday, iyadoo mid la sheegay inuu dhintay, halka labada kalena la sheegay in baaritaan ay ku socdaan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in uu ka naxay eedeymaha loo soo jeediyay xubnahaasi, isagoona xusay in kuwa lagu helo inay ku lug lahaayeen weerarkaasi, lagu soo oogi doono dacwad, si loo ciqaabo.

“Shaqaale kasta oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo ku lug yeesha falal argagixisanimo waa lala xisaabtami doonnaa, oo ay ku jirto dacwad ciqaabeed. Xoghayntu waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso hay'ad awood u leh inay dacwad ku soo oogto shakhsiyaadka, iyadoo la raacayo habraaca caadiga ah ee xoghaynta ee iskaashiga." Ayuu yiri Xoghaye Guterres oo maanta ka hadlayay eedeymaha loo soo jeediyay shaqaalahooda.

Waxa kaloo uu yiri "Falalka lagu soo eedeeyay xubnahan, haddii ay ku cadaato, waxay mudan doonaan ciqaabtooda."

Guterres ayaa deeq bixiyeyaasha ka codsaday inay xaqiijiyaan sii wadida howlaha gargaarka, haddii kalena xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza ay faraha ka bixi doonto.

"Laakiin tobanaan kun oo rag iyo dumar ah ee u shaqeeya UNRWA, qaar badan oo ka mid ah oo ku shaqeeya xaaladaha ugu khatarta badan waa in aan la ciqaabin. Dadka raja beelka ku nool ee ay u adeegayaan waa in baahidooda la daboolaa." Ayuu yiri Guterres.

Guterres ayaa intaasi ku daray "Anigoo fahamsan welwelkooda, waxaan si adag uga codsanayaa dowladdaha hakiyay tabarucaadkooda, ugu yaraan inay dammaanad qaadaan sii socoshada howlaha UNRWA."

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dadka reer Gaza ay wajahayaan xaaladdii ugu darneyd ee bani'aadantinimo ee ebid laga diiwaangeliyo dhulka Falastiiniyiinta, waana xilli rubac milyan ka mid ah reer Gaza ay soo food saartay macluul.

Hay'adda UNRWA oo ah hay'adda ugu weyn ee caawisa dadka Gaza ee xilligan adag ee ay masiibada bani'aadantinimo ka jirto dhulka la go'doomiyay ayaa sheegtay in 9 dal ay ka joojiyeen taageeradooda maaliyadeed.

Dalalka Jarmalka, Australia, Finland, Netherlands, Switzerland, Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa ku biiray Mareykanka iyo Canada oo ku dhawaaqay inay joojiyeen maalgelinta hay'addaasi.

Philippe Lazzarini, Madaxa Hay'adda UNRWA ayaa sheegay inay noqon doonto masuuliyad darro aad u weyn in la cunaqabateeyo hay'addaasi iyo bulshada ay u adeegto, xilligan ay xaaladda quusta ah ka jirto Marinka Gaza. 

"In hay'adda iyo shaqaalaheeda loo cunaqabateeyo tiro yar oo ka mid ah shaqaalaheeda oo la soo eedeeyay, waxay noqon doontaa masuuliyad darro aad u weyn." Ayuu yiri Philippe Lazzarini.

Lazzarini ayaa tibaaxay in hay'addu ay maamusho hoyga in ka badan 1 milyan oo qof, isagoona yiri "Waqti kasta hadda dadkaasi noloshooda way burburi kartaa."

UNRWA ayaa shaqaaleysiisay 13,000 oo qof oo Falastiiniyiin ah, waxayna maamulaan dugsiyo iyo hoy, iyagoona bixiya adeeg isugu jira gargaar bani’aadantinimo, waxbarasho iyo daryeel guud.

Dhammaan Shaqaalaha Hay'adda UNRWA ayaana ku tiirsan deeqaha dibadda.

Ugu yaraan 152 qof oo ka mid ah Shaqaalaha Hay'adda UNRWA ayaa lagu dilay weerarada ay Israel ka gaysaneyso Gaza, waana khasaarihii ugu badnaa ee goob qura ka soo gaara Shaqaalaha Qaramada Midoobey, inta ay taariikhda qoreyso. Dadkan ayaa u dhintay si gar iyo mag la'aan ah, mana jirto cid lagu la xisaabtamayo amaba loo ciqaabayo dilkooda.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa horaan dalbaday in la xiro hay'addaasi, isagoona soo jeediyay in lacagaha lagu maalgeliyo lagu wareejiyo Hay'adda UNHCR.

Netanyahu ayaa UNRWA ku eedeeyay in ay diiradda saarto oo keliya barakacayaasha iyo qaxootiga Falastiiniyiinta.