Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Militariga Somaliya oo war ka soo saaray

Wararka ka imanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in saaka uu magaaladaasi dagaal xoogan ku dhex maray Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamo taageersan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Ciidamo Daraawiishta Koonfur Galbeed ah, isla-markaana taabacsan Laftagareen ayaa lagu arkay xaafado ka mid ah magaalada, iyagoo wata Calanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in taageereyaasha Laftagaareen oo lugeynaya ay jihooyin kala duwan ka soo galeen magaalada, isla-markaana ay intoodu badan ka soo galeen dhinaca Suuqa Xoolaha Baydhabo, ka hor inta aanu iska horimaad fool ka fool ah dhex marin iyaga iyo Ciidamada Dowladda Federaalka.

Muuqaalo laga helay magaalada ayaa muujinaya labada dhinac oo ku dagaalamaya bartamaha Baydhabo, gaar ahaan Isgoyska Afar Irdoodka.

Muuqaalada ayaa laga arki karay dagaalka oo ay dib kaga biireen Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Booliska Baydhabo, iyaga oo ka barbar dagaalamaya Ciidanka Xoogga Dalka.

Tani ayaa waxay noqoneysaa markii ugu horreysay oo labada dhinac ay ku dagaalamaan xudunta magaalada, tan iyo markii 30-kii bishii March Laftagareen lagu khasbay in uu isaga tago magaaladaasi.

Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay si buuxda ula wareegeen Magaalada Baydhabo, isagoona shacabka ugu baaqay inay soo dhaweeyaan ciidankooda u taagan buu yiri ilaalinta sharafkooda iyo dowladnimadooda.

Dhanka kale Taliska Qaybta 60aad ee Militariga Somaliya ayaa sheegay in Ciidamada Qaranka ay si buuxda gacanta ugu hayaan amniga Magaalada Baydhabo, isla-markaana aysan jirin kooxo la wareegay goob ama xaafad ka mid ah magaaladaasi.

"Ciidamada geesiyaasha ah ee Qaybta 60aad ayaa hawlgaladii ugu dambeeyay ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan gaari iyo hub tiro badan, oo ay ka carareen maleeshiyaadka cadowga, ka dib markii jab culus lagu gaarsiiyay furimaha dagaalka." Ayaa lagu yiri war uu talisku soo saaray.

Warka ayaa lagu sheegay "Taliska wuxuu shacabka ku wargelinayaa in goor dhow la soo bandhigi doono hubkii, gaadiidkii iyo meydadkii ay ka carareen cadowga, si loo caddeeyo guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen hawlgalada socda. Guulahaasi waxay muujinayaan feejignaanta, geesinimada iyo diyaargarowga Ciidamada Qaranka ee u taagan difaaca dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed."

Illaa lix askari oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa la ogyahay in ay dagaalka ku dhinteen, lamana sheegin wax rayid ah oo illaa iyo hadda laga warqabo oo waxyeelo ay ka soo gaartay dagaalka.

Dagaalka ayaa imanaya, iyadoo magaalada looga diyaargaroobay in maanta lagu dhaariyo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.