Dalalka Mali, Burkina Faso iyo Niger oo sheegay inay ka baxayaan Ururka ECOWAS

Hoggaamiyeyaasha Militariga ee Mali, Burkina Faso iyo Niger ayaa Axaddii ku dhawaaqay in ay si degdeg ah uga baxayaan ka mid ahaanshaha Urur Goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sheegay in Ururka Dhaqaalaha ee Afrikada Galbeed uu halis ku yahay dalalka xubnaha ka ah ururkaasi.

Hoggaamiyeyaasha saddex dal ee militariga uu hoggaamiyo ee Gobolka Saaxil ayaa bayaan ay si wadajira u soo saareen ku sheegay inay qaateen go'aanka masiiriga ah, isla-markaana ay sida ugu dhakhsiyaha badan uga baxayaan ururka.

"Iyadoo ay saamayn ku leeyihiin quwado shisheeye, oo qiyaameeyay mabaadii'deeda aasaaska, waxay khatar ku noqotay dalalka xubnaha ka ah iyo dadkeeda." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Dalalkan ayaa ururka ku dhalleeceeyay in uu ku guuldareystay in uu taageero dagaalka ay kula jiraan argagixisada iyo dadaalada ay wax uga qabanayaan amni darrada.

Xiririka Ururka Dhaqaalahaha ee Galbeedka Afrika iyo dalalkan ayaa xumaaday, ka dib afgembiyadii kala dambeeyay ee ka dhacay dalalkaasi.

Saddexdan dal ayaa ka mid ahaa dalalkii aasaasay Ururka ECOWAS, oo la aasaasay 28-kii bishii May ee sanadkii 1975-kii.

ECOWAS ayaa mar sii horreysay xanibtay xubinimada dalalka Mali iyo Niger ee ururkaasi, iyada oo ugu hanjabtay cunaqabateyn, haddii Hoggaamiyeyaasha Militariga aysan talada dalalkaasi dib ugu soo celin rayidka.

Hoggaamiyeyaasha Militariga ayaa xiriirka u jaray Faransiiska oo soo gumeystay dalalkaasi. Faransiiska ayaa mar awood ku lahaa gobolka, balse waxa uu afgembiga ka dib ku dhawaaqay in ciidamadiisa uu kala baxayo saddexdaasi dal.

Assimi Goïta ayaa 24-kii bishii May ee sanadkii 2021 hoggaamiyay afgembigii labaad ee ka dhaca dalkaasi Mali, wax ka yar muddo laba sano ah, isagoona xukunka ka tuuray Madaxweynihii KMG ee dalkaasi, Bah Ndaw.

Dowladda Mali ayaa dalkeeda ka ceyrisay Ciidamadii Faransiiska ee joogay, tallaabada xigtay ee ay qaadday ayaa noqotay in Ciidamada Qaramada Midoobey ay ku amarto in sidoo kale ay dalka isaga baxaan.

Burkina Faso ayuu iyana afgembigu ka dhacay 30-kii bishii September ee sanadkii 2022, iyadoo xukunka lagaga tuuray Paul-Henri Sandaogo Damiba, xilli uu sideed bilood uun ka hor uu inqilaab kula wareegay talada dalkaasi. Ibrahim Traoré ayaana isla sanadkaasi si ku-meel-gaar ah xilka ula wareegay.

Dalka Niger oo afgembiga uu ka dhacay 26-kii bishii July ee sanadkii hore ee 2023 ayay militariga xabsi guri geliyeen Madaxweyne Mohamed Bazoum, iyadoona uu xukunka la wareegay Hoggaamiyaha Militariga ee afgembiga sameeyay, waa General Abdourahamane Tchiani. 

Madaxweyne Bazoum ayaa ahaa Madaxweynihii keliya dalkaasi ee sida dimoqraadiga ah lagu soo doortay. Bazoum ayaa xilka hayay, intii u dhaxeysay 2-dii bishii April ee sanadkii 2021 illaa 26-kii July ee 2023.

Ninkan ayaa la wareegay talada dal ay ka jiraan faqri iyo xasillooni darro.