Dhacdo argagax leh oo ka dhacday Magaalada Nairobi

Laamaha amniga Kenya ayaa xabsiga u taxaabay nin ajnabi ah, oo lagu eedeynayo inuu ka masuul ahaa dil argagax leh oo gabar u dhalatay dalkaasi loogu gaystay Magaalada Nairobi.

Rita Waeni oo 20 jir ahayd ayaa Axaddii meydkeeda oo la jarjaray laga helay guri muddo gaaban kiro loogu deganaa oo ku yaala magaaladaasi.

Ciidamada amniga ayaa gurigaasi ka helay meydka gabadha oo go'go'an, balse uu madaxa ka maqan yahay.

Ciidamada ayaa Talaadadii gacanta ku soo dhigay eedeysanaha, xilli uu isku dayayay in uu dalka kaga baxo basaboorka Mozambique.

Saraakiisha Booliska ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay inay raadinayaan madaxa gabadha iyo teleefankeedii gacanta.

Gabadhan oo ardayad ahayd ayaa Sabtidii ka tagtay guriga eedadeed oo ku yaala deegaanka Syokimau, si ay ula kulanto qof saaxiib ah, subaxnimadii Axaddana qof aan la garanayn ayaa saddex farriin qoraaleed ka soo diray teleefankeedii gacanta, kaas oo dalbanaya lacag madax furasho ah, waana saacado uun ka hor inta aan meydkeeda la helin.

Qoyska gabadha ayaa laga soo xigtay inay aaminsan yihiin in uu shirqoolay gacan ku dhiiglaha, oo qoyska soo weydiistay in la siiyo madax furasho dhan shan boqol oo kun oo shilinga Kenya ah (Kes500,000), oo u dhiganta saddex kun iyo boqol dollar ($3,100).

Rita Waeni ayaa wax ka baraneysay Jaamacadda Jomo Kenyatta ee Caasimadda Nairobi, sida ay xaqiijiyeen xubnaha qoyskeeda.

Illaa iyo hadda wax badan lagama garanayo eedeysanaha, balse Saraakiisha Booliska ayaa Arbacadii laga soo xigtay in ay dib ka soo faah faahin doonaan macluumaadkiisa, ka dib marka ay baaritaanka soo geba-gabeeyaan.

Dhacdadan ayaa hadalhayn badan ka dhex dhalisay bulshada dalkaasi, iyadoona Warbaahinta ay si weyn u qaadaa dhigeyso.