Dibadbaxyo looga soo horjeedo Xukuumadda Netanyahu oo ruxay Israel

Dadweyne ka biyo diidan hannaanka uu Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku hoggaaminayo maamulka ayaa xalay isagu soo baxay waddooyinka magaalooyin ay ka mid tahay Tel Aviv.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in si degdeg ah loo qabto doorasho xilligeeda laga soo hormariyay, ka dib markii ay Raysal Wasaaraha ku dhaliileen inuu ku guuldareystay in la soo afjaro colaadda Gaza iyo in la haysteyaasha Israeliyiinta dib loogu soo celiyo guryahooda.

"Dowladda waxaan dhihi lahaa war waqtigiina waad khasaariseen, wax kastana waad kharibteen. Hadda waa waqtigii wax walba la sixi lahaa, wixii xumaan ah ee aad sameyseen." Ayuu yiri mid ka mid ah dibadbaxayaasha oo Warbaahinta ay soo xiganeyso.

Dibadbaxayaasha oo ay qayb ka yihiin qoysaska iyo ehelada Israeliyiinta lagu haysto Marinka Gaza ayaa ku hanjabay inay mudaaharaadka sii wadi doonaan, illaa iyo inta codkooda laga dhageysanayo.

Netanyahu oo culeyska ugu badan kala kulmaya Israeliyiinta degan Magaalada Tel Aviv ayaa mar uu xalay hadlayay waxa uu ku gacan seyray in doorashada waqtigeeda laga soo hormariyo, waana xilli doorashada xigta ay ku mudeysan tahay 2026.

Xubnaha Xisbigiisa Likud qaybtood ayaa dalbanaya in doorashada la qabto xilli hore, lana soo afjaro dagaalka Gaza.

Netanyahu oo Warbaahinta la hadlay ayaa Israeliyiinta uga digay kala qaybsanaan, isagoona yiri "Waxaan hadda u baahanahay midnimo."

Netanyahu ayay shacbiyaddiisa hoos u dhacday, tan iyo weerarkii 7-dii October, sida ku cad xog uruurin la sameeyay.

Shacabka Israeliyiinta ee dibadbaxyada sameynaya ayaa qaba in dagaalkan labada dhinacba aysan wax dan ah ugu jirin, marka aad eegto in Israel ay askar badan ku weynayso dagaalka.

Fallanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in Netanyahu ay ka go’an tahay in dagaalku uu sii socdo, si uu uga baxsado dacwadda musuq-maasuq ee maxkamadda kaga furan.