Dowladda Shiinaha oo ku baaqday in dunida ay si dhab ah ugu istaagto xalka laba dal

Dowladda Shiinaha ayaa dunida ugu yeertay in ay si dhab ah ugu istaagto, sidii Bariga Dhexe looga yegleeli lahaa dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta, iyadoo aanu markaasi jirin wax dib u dhac ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa laba jibaartay soo jeedinteeda ku saabsan in la qabto shirweyne caalami ah, oo dunida ay ugu jiheysanayso xal u helidda colaadda muddada tobanaanka ah ka jirta gobolka.

Wang Wenbin, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegay in Beijing ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso dhammaanba dhinacyada, si shirkaasi loo qabto, sida ugu dhakhsaha badan.

"Beijing waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso dhammaan dhinacyada, si sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah loo qabto shirka, si loo dejiyo jadwal la taaban karo iyo hannaanka geeddi-socod siyaasadeed ee Falastiin, iyada oo la hirgelinayo xalka laba dowladood." Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka oo shir jaraa'id ku qabtay Caasimadda Beijing ayaa sheegay in Shiinaha ay ka go'an tahay inuu taageero Falastiiniyiinta iyo Israel, si buu yiri dib loogu bilaabo wada hadalada nabadeed, loona gaaro wax heshiis lagu yahay.

Wang Wenbin ayaa tilmaamay in wada hadalada nabadeed ay horseedayaan in ay si nabada gobolka ugu wada noolaadaan Falastiin iyo Israel iyo weliba Carabta & Yahuudda.

Wenbin ayaa xusay in soo jeedinta saddexda qodob ka kooban ee uu gadaal ka riixayo Madaxweyne Xi Jinping, oo ay ku jirto in la qabto shir nabadeed oo caalami ah ay Shiinaha ka dhigeyso mid ka tilmaamin caalamka, marka aad eegto, sida ay uga go'an tahay in la soo afjaro colaadda ku soo noqnoqotay Bariga Dhexe.

"Shiinaha waxa uu ku celinaya baaqiisa ah in la qabto shir nabadeed oo caalami ah, kaas oo dunida ay dhab ka tahay." Ayuu sii raaciyay Wenbin.

Baaqan uu Shiinuhu xoojiyay ayaa ku soo aadaysa, iyadoo tirada dadka ku dhintay weerarada ay Israel ka waddo Gaza ay gaartay 26,900 oo qof, tan iyo 7-dii October, iyadoona dagaalka uu galay maalintii 118aad.

Xalka laba dowladood ayaa mustaqbalka Falastiin ka dhigaya dal deris la ah Israel.