Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho u soo wareejinaysa keydka tallaallada oo in ka badan 30 sano laga maamuli jiray Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay dalka dib ugu soo wareejiso xarunta keydinta tallaallada, taas oo muddo ka badan 30 sano laga maamuli jiray dalka Kenya, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan.
Wasiirka ayaa sheegay in xarunta weyn ee lagu keydiyo tallaallada, laguna ilaaliyo heerkulka ku habboon, ee laga dhisayo gudaha Isbitaalka Forlanini ee magaalada Muqdisho ay ku dhowdahay dhammaad.
“Waxaa dib loogu soo wareejinayaa Muqdisho, xarunta weyn ee keydinta tallaallada ee laga dhisayo Isbitaalka Forlanini-na waxay ku dhowdahay in la dhammaystiro,” ayuu yiri wasiirku.
Waxa uu xusay in keydka tallaallada Soomaaliya muddo ka badan soddon sano laga maamuli jiray Kenya, kaddib burburkii dowladdii dhexe ee dalka sanadkii 1991-kii, xilligaas oo Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsanayd hay'adaha caalamiga ah iyo dalalka deriska ah si loo soo iibiyo, loo keydiyo, loona qaybiyo tallaallada.
Xarumaha keydinta tallaallada ee loo yaqaan Cold Chain ayaa muhiim u ah ilaalinta tayada tallaallada, maadaama ay u baahan yihiin heerkul gaar ah si aysan u lumin waxtarkooda ka hor inta aan la gaarsiin xarumaha caafimaadka.
Wasiirku ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee la dhammaystirayo wareejinta keydka, goorta xaruntu si buuxda u shaqo bilaabi doonto, cidda maalgelisay mashruuca iyo kharashka ku baxay.
Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in heerka tallaalka carruurta ee deegaannada ay gaareen mashaariicda wasaaraddu uu kor u kacay, isagoo gaaray 70%, halka uu dhowr sano ka hor ahaa 42%.
Waxa uu sidoo kale xusay in dowladda ay dib u hawlgelisay adeegyo caafimaad oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Bangiga Dhiigga iyo keydka dawooyinka, isagoo intaas ku daray in xarun cusub oo sifeynta kelyaha ah ay maalin kasta adeeg lacag la'aan ah siiso in ka badan 100 qof.
Sanadkii 2024-kii, Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay maalgelin dheeraad ah oo dhan 4.25 milyan oo dollar oo ka timid Sanduuqa Cimilada Cagaaran, taas oo loogu talagalay qalabka qaboojinta deegaanka u wanaagsan iyo xoojinta awoodda keydinta tallaallada, iyadoo qayb ka ah mashruuca Damal Caafimaad.


