Golaha Ammaanka oo ansixiyay qaraar laga soo gudbiyay Xuuthiyiinta Yemen

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa goor dambe oo xalay ahayd ansixiyay qaraar uu golaha horkeenay Mareykanka, laguna dalbanayay in lagu cambaareeyo weerarada Xuuthiyiinta Yemen ee ka socda Badda Cas.

Qaraarka qabyada ah ayaa sidoo kale Xuuthiyiinta looga dalbaday in ay joojiyaan weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta mareysa biyaha Badda Cas.

Golaha ayaa ku baaqay in Xoogaga Xuuthiyiinta ay sii daayaan markabka ganacsi ee lagu magacaabo Galaxy Leader, oo ay ku haystaan xeebaha dalkaasi.

Xuuthiyiinta ayaa markabkan oo uu leeyahay ganacsade reer Israel ah ka qabtay Badda Cas, xilli uu ka yimid dalka Turkiga, kuna sii jeeday dalka India. Markabka iyo 25 shaqaale oo la socday ayaa ku jira gacanta Xuuthiyiinta, tan iyo 19-kii bishii November.

11 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u codeeyay qaraarka, oo ku baaqaya in Xuuthiyiintu ay joojiyaan dhammaan weerarada, oo sida qaraarka lagu sheegay caqabad ku ah ganacsiga caalamiga ah, xuquuqda & xorriyadda marinada maraakiibta iyo sidoo kale nabadda gobolka.

Xubnaha Ruushka, Shiinaha, Algeria iyo Mozambique ayaa ka aamusay codeynta qaraarka, mana jirin cid diiday.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa ka mid ah 5-ta dal ee leh diidmada qayaxan, balse waxay door bideen inaanay isctimaalin.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, haweeneyda lagu magacaabo Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay in farriinta dunida ay tahay mid cad, ayna tahay in Xuuthiyiintu ay joojiyaan weeraradooda.

"Farriinta adduunka ee Xuutiyiinta maanta waxay ahayd mid cad, waa inaad si degdeg ah u joojisaan weeraradan." Ayay tiri Linda Thomas-Greenfield oo warkan jeedisay codeynta ka dib.

Thomas-Greenfield ayaa intaasi ku dartay "Go'aankan ayaa golaha ka soo baxay masuuliyadda ka saaran hubinta socodka ee marinka sharciga ah ee Badda Cas iyo inuu sii socdo, iyada oo aan la carqaladeyn."

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa Arbacadii sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgalada militari ee ka dhanka ah maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku socda dekedaha ay Israeliyiintu maamulaan.

“Ciidamadeennu waxay sii wadi doonaan hawlgalada ay kaga hortaggayaan in Badda Cas iyo Badda Carabta ay ka gudbaan maraakiibta Sahyuuniyadda iyo kuwa kale ee ku socda dekedaha xoogga looga haysto Falastiin, illaa laga soo afjaro gardarada Sahyuuniyadda ee Gaza, lana qaado go’doominta shacabka.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Yahya Saree ayaa xusay in maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ay si caadi ah u mari karaan Badda Cas, kuwaa oo uu sheegay inaanan la weerari doonin.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa Israel ku cadaadinaya in ay joojiso duulaankeeda Gaza, ayna fasaxdo gargaarka aadka loogu baahan yahay, taas oo ay sheegeen in ay soo afjari karto hawlgaladooda militari ee Badda Cas.