Hay'adaha caalamiga ah oo war adag ka soo saaray duulaanka Rafah

Hay'adaha samafalka iyo ururada xuquuqda aadanaha qaarkood ayaa soo saaray digniin ay kaga dardaar warinayaan cawaaqibka gulufka ay Israel sheegtay inay ka bilaabeyso dhulka ciriiriga ah ee Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ayay uga diggeen khatar dhab ah, haddii Ciidamada Israel ay weerar dhinaca dhulka ah ka bilaabaan deegaanka Rafah, oo ay ku barakaceen ku dhawaad 1.5 milyan oo qof oo rayid ah.

"Waxaan aad uga naxsanahay in duulaan lagu qaado Rafah, oo ah aagga dadka ugu badan ee Gaza, halkaas oo 1.5 milyan oo qof ay gabaad ku yihiin meeshii ugu dambeysay, in ka badan nus milyan ka mid ah waa carruur." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay, haddii Ciidamada Israel ay gudaha u galaan Gaza ay dhici doonto in la dilo kumanaan kale oo dad rayid ah, isla-markaana uu meesha ka bixi doono gargaarka yar ee mararka qaarkood la geeyo Gaza, iyadoo Rafah ay tahay goobta qura ee gargaarka uu ka soo galo Gaza.

"Haddii Israel ay bilowdo weerarkeeda dhulka ah, kumanaan kale oo rayid ah ayaa la dili doonnaa, waxaana si buuxda u joogsan doonta khatarta hadda jirta ee gargaarka bani'aadantinimo." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay ka diggeen "Haddii aan si degdeg ah loo joojin qorshahan ciidan, cawaaqib xumada ka dhalan doonta ayaa noqon doonta masiibo halis ah."

Bayaanka ayaa lagu sheegay "Dadku waxay ku nool yihiin xaalado bani'aadantinimo oo aad u xun, qaar badan oo ka mid ah waxay ku nool yihiin bannaanka. Duulaanka wuxuu liddi ku yahay aaminsanaanta dadka ee ah in Ciidamada Israel ay intooda badan si khasab ah uga soo barakaciyeen guryahooda. Iyada oo lix jeer in ka badan intii hore ee ku nooleed Rafah ay hadda galeen aagga ayay Militariga Israel ku dhawaaqeen inay qaadayaan weerarka."

Bayaanka ayaa waxaa ku saxiixnaa hay'ado iyo ururo ay ka mid yihiin Oxfam, Amnesty International, ActionAid, War Child, the Danish Refugee Council iyo Handicap International.