Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel oo ka horyimid in halis la geliyo nolosha la haysteyaasha

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid ayaa ka digay in halis la geliyo nolosha Israeliyiinta ay Xoogaga Xamaas ku haystaan Marinka Gaza.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel ayaa sheegay in dib u soo celinta la haysteyaasha ay ka degdeg badan tahay in Israel ay guul ka gaarto dagaalka ka socda Marinka Gaza.

Hoggaamiyaha ayaa tilmaamay in inkastoo ay isku mid u yihiin labada hadaf ee ugu muhiimsan dagaalka Gaza, ee kala ah guul militari iyo soo celinta maxaabiista, haddana aan la iska indha tiri karin muhiimada ay qoysaska iyo ehelada u leedahay dib u soo celinta xubnaha ka maqan.

"Ma ahan kuwo loo siman yahay degdegga, waa in maxaabiista dib loogu soo celiyaa guryahooda." Ayuu yiri Hoggaamiyaha Mucaaradka.

Hoggaamiyaha Mucaaradka oo Isniintii ka hadlayay Xarunta Baarlamaanka Israel ee Knesset-ka, oo bannaanbax ay ka hor dhigayeen qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha ayaa ballanqaaday in ay ka shaqayn doonaan, sidii dadkaasi dib loogu soo celin lahaa dalkooda, sida uu yiri.

"Waxaan u baahanahay inaan la heysteyaasha dib ugu soo celino dalkooda." Ayuu yiri Yair Lapid, Hoggaamiyaha Mucaaradka.

Waxa kaloo uu yiri "Waxaana samayn doonnaa wax walba, si aan dib ugu soo celino dhammaantood."

Yair Lapid ayaa Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ugu baaqay in heshiis lala galo Xamaas, si iyagoo nabdoon ay guryahooda ugu soo laabtaan dadka lagu haysto Marinka Gaza.

"Ma dhihi karno waxaan sameynaynaa wax ku filan, si aan u soo celino la haysteyaasha, illaa iyo inta ay kaga soo laabanayaan dalkooda." Ayuu yiri Lapid.

Lapid ayaa xusay in qaar ka mid ah la haysteyaashii la sii daayay ay ka sheekeeyeen, sidii ay u dhageysan jireen idaacadaha, iyagoo u xiran Xamaas.

"Waxaan rajeynayaa in kuwa weli xiran ay dhageysanayaan fadhiga Golaha Baarlamaanka, ayna ogaadaan in dadaal badan aan ugu jirno, sidii dalkooda loogu soo celin lahaa." Ayuu sii raaciyay Lapid.

Hadalkiisa ayaa daba socdo hadal uu Ra'iisal Wasaare Netanyahu ka jeediyay Aqalka Baarlamaanka, kuna sheegayay inaanay joojin doonin dagaalka ay kaga takhalusayaan Xamaas.

Netanyahu ayaa ku goodiyay in ay xoog ku soo furan doonaan dadka looga haysto magaalada ay dagaaladu ka socdaan ee Gaza.