Iran oo Mareykanka uga digtay inuu soo weeraro

Iran ayaa si adag uga digtay Mareykanka in uu soo weeraro dalkeeda amaba inuu beegsado danaheeda gobolka.

Safiirka Iran ee Qaramada Midoobey, Amir Saeid Iravani ayaa ku hanjabay in Tehran ay jawaab adag ka bixin doonto weerar kasta, oo Mareykanka ku qaado Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ka dib markii Mareykanka uu sheegay in kooxaha ay Iran taageerto ay ka masuul ahaayeen weerarkii saddexda askari lagaga dilay, tobanaanka kalena ay kaga dhaawacantay ee Axaddii ka dhacay saldhig ay ciidamadiisa ku leeyihiin waqooyi bari Jordan. Mareykanka ayaana ku hanjabay in uu ka aargudan doono weerarkaasi.

"Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay si adag uga jawaabi doontaa weerar kasta oo lagu soo qaado gobolka, danaheeda iyo muwaadiniinteeda." Ayuu yiri Safiirka oo ay soo xiganeysay Wakaaladda Wararka Iran ee IRNA.

Safiirka oo sii hadlayay ayaa yiri "Aargoosi kasta oo ka dhan ah Iran, waxay yeelan doontaa jawaab adag."

Safiirka ayaa dhanka kale beeniyay wararka sheegaya in Tehran iyo Washington ay maalmihii ugu dambeysay is dhaafsadeen farriimo lagu dejinayo xiisadda.

"Farriimaha noocan oo kale ah lama is dhaafsanin." Ayuu yiri Amir Saeid Iravani, Safiirka Iran ee Qaramada Midoobey.

Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran, General Hossein Salami ayaa isna Arbacadii ka digay in Mareykanka uu la kulmi doono cawaaqib daran, haddii si aan laga fiirsan uu u soo weeraro Iran.

"Mararka qaar cadowgeennu waxay kor u qaadaan khatarta, maalmahaana waxaan maqlaynaa hanjabaado." Ayuu yiri Taliyaha oo hadalkiisa ku xoojiyay “Waxaan u sheegaynaa inaad na soo martay, oo aanu nahay dad is garanaya. Wax hanjabaad ah kama tago, jawaab la’aan.”

Mareykanka ayaa ka dhawaajiyay inuu isu diyaarinayo weeraro aargoosi ah oo ka dhaca Bariga Dhexe, wixii ka dambeeyay weerarka diyaaradda aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ee sababay khasaarihii ugu badnaa ee ciidamadiisa loogu gaysto gobolka, ka dib xiisadda adag ee ka dhalatay duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Dhanka kale Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, John Kirby ayaa Arbacadii sheegay in Washington ay aaminsan tahay in weerarku uu ahaa mid qorsheysan, isla-markaana ay gaysteen kooxaha wax iska caabinta Ciraaq ee Iran ay taageerto.

"Madaxweyne Biden wuxuu rumeysan yahay in ay muhiim tahay in si habboon looga jawaabo weerarka." Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden uu sii waday inuu miisaamo fursadaha aargoosiga, balse weerarka ugu horreya aanu noqon doonin, kan ugu dambeeya.

"Waxa ugu horreya ee aad aragto ma noqon doonto waxa ugu dambeeya." Ayuu yiri John Kirby oo intaasi ku daray "Ma noqon doonto hal mar."

Duqaymo kasta oo dheeri ah oo Mareykanka uu gaysto ayaa la sheegaya inay sii hurin doonto colaadda gobolka, oo markii horeba la foolaneysay carrada ka dhalatay weerarada joogtada ah ee ay Israel ka gaysaneyso Gaza.