Israel iyo Xamaas oo cadaadis lagu saarayo inay heshiis gaaraan

Maamulka Israel iyo Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa wajahaya cadaadis caalami ah, oo la doonayo in ay ku gaaraan heshiis lagu joojinayo dagaalka Gaza, la iskuna weydaarsanayo maxaabiista.

Washington iyo xulafadeeda dibadda ayaa labada dhinac ku cadaadinaya in aanay u kala kicin wada hadalada xabad joojinta ee haatan uga soconaya Magaalada Doha.

Wafuudda Xamaas iyo Israel ee ku sugan Caasimadda Doha ayaa lagu adkeeyay in ay ka gudbaan, isla-markaana ay xaliyaan qodobada uu is mari-waaga ka taagan yahay, si loo dhameystiro heshiiska xabad joojinta.

Dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar oo Mareykanka uu taageerayo ayaa u kala warinaya dhinacyada, inkastoo Saraakiisha Mareykanka iyo Israel aysan si toos ah u horfariisaneyn wafdiga Xamaas, maadaama ay u aqoonsan yihiin urur argagixso.

Warbaahinta Mareykanka ayaa diblomaasiyiinta ka soo xigatay in uu kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee Xamaas iyo Israel lagu saarayo in ay heshiis ka gaaraan wada-xaajoodkooda dadban.

Madaxweyne Joe Biden ayaa maalin ka hor sheegay in horumar dhab ah laga gaaray wada hadalada Doha.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha ku dhow dhow Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump ay si dhow ula socdaan wada hadaladaasi.

Dowladda Qatar ee martida loo yahay ayaa Ergayga Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff uga warbixisay wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo dadaalada la rabo in lagu sii daayo maxaabiista Israeiyiinta ee lagu bedelanayo Falastiiniyiinta ku xiran xabsiyada Israel.

Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa Jimcihii Steve Witkoff kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dadaalada lagu riixayo xabad joojinta Gaza.

Dhexdhexaadiyeyaasha ayaa horaantii bishan bilaabay dadaalo dheeraad ah oo la rabo in lagu soo afjaro dagaalka Gaza iyo sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista.