Israel oo sheegtay in uu socdo hawlgal lagu soo furanayo Israeliyiin lagu haysto isbitaal

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamadooda ay hawlgal gaar ah ka wadaan gudaha isbitaalka weyn ee koonfurta Marinka Gaza.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in ay heleen xog sheegeysa in Xoogaga Xamaas ay dad Israeliyiin ah iyo weliba meydadka maxaabiis dhintay ku haystaan Isbitaalka Nasser ee galbeedka deegaanka Khan Yunis.

"Waxaa naga go'an inaan helno oo dib u soo celino la haysteyaasha iyo meydadka dadkii dhintay. Waxaan sameynaynaa hawlgal samatabixineyd oo sax ah." Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Waxaan haynaa ilo sirdoon oo lagu kalsoonaan karo oo tilmaamaya in dadkii la afduubtay ay Xamaas ku haystaan Isbitaalka Nasser ee Khan Yunis iyo in laga yaabo inay jiraan meydadka la haysteyaasha ah oo yaala isbitaalkaasi."

Taangiyada Ciidamada Israel ayaa xoog kaga gudbay gidaarka dhismaha isbitaalka, ka dibna ciidanka ayaa gudaha u galay qaybaha isbitaalka, ka gadaal dhowr iyo labaatan maalmood oo ay go'doomin ku hayeen.

Muuqaalo la soo dhigay barraha bulshada ayaa muujinaya is dhex yaac badan oo ka jira isbitaalkaasi, xilli ay gabaadsanayaan boqolaal qof oo barakacayaal ah iyo bukaano badan oo xaaladdooda lagula tacaalayo.

Wararka ayaa sheegaya in rasaas ay furayn Ciidamada Israel uu ku dhintay qof bukaan ahaa, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Daniel Hagari, Afhayeenka Militariga Israel ayaa sheegay in tiro dad ah oo ay uga shakisan yihiin kooxaha argagixisada ay ka soo qabteen isbitaalka, balse ma sheegin wax maxaabiis ah oo illaa hadda ay soo furteen.

Ururka Xamaas ayaa si adag u beeniyay sheegashada Israel ee ah in ay heleen xog dhanka sirdoonka ah oo lagu kalsoonaan karo, oo sheegeysa in dad Israeliyiin ah ay Xoogaga Xamaas ku dhex haystaan isbitaalkaasi.

Afhayeenka Wasaaaradda Caafimaadka Gaza, Ashraf Al-Qedra ayaa cambaareeyay hawlgalkaasi, oo sida uu sheegay lagu dhibaateynayo barakacayaasha, shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanada lagu baxnaaninayo isbitaalkaasi.

"Boqolaal barakacayaal ah, shaqaalaha caafimaadka, bukaano fara-badan oo aan dhaqdhaqaaq lahayn iyo dadka eheladooda ah ee la socda ayaa weli ku sugan isbitaalka." Ayuu yiri Ashraf Al-Qedra.

Militariga Israel ayaa maalin ka hor maamulka isbitaalkaasi ku amray in dhammaan dadka barakacayaasha ah ay ka daadgureeyaan isbitaalka, umana bidhaamin meel kale oo ay dadkaasi aadaan.

Ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn ee MSF ayaa si adag u cambaareeyay amarka Militariga Israel ee dadka looga rarayo Isbitaalka Nasser.

"Dadka waxaa lagu khasbay inay galaan xaalad aan macquul ahayn. Amarka Militariga Israel waa ka baxa Isbitaalka Nasser ama waa la idiin bartilmaameedsanaya, iyadoo Gaza ay bambooyinka iyo amarada daadgureynta ay qayb ka noqdeen nolol maalmeedka." Ayay tiri Lisa Macheiner, oo ah Isuduwaha MSF ee Gaza.

Isbitaalkan ayaa ah xarunta ugu weyn caafimaad ee Gaza ee hartay.