Madaxweynaha Brazil oo sheegay in Israel ay xasuuq ka waddo Marinka Gaza

Madaxweynaha Brazil, Lula da Silva ayaa Israel ku eedeeyay in ay xasuuq ka waddo Marinka Gaza, marka aad eegto gacanta adag ee ay ku wajaheyso dadka rayidka ah iyo sida ay u hortaagan tahay kaalmada bani'aadantinimo ee la gaarsiinayo dhulka go'doonsan.

"Israel xasuuq ayay ka gaysatay Marinka Gaza, welina way ka waddaa." Ayuu yiri Madaxweynaha Brazil.

"Waxa ka socda Marinka Gaza ma ahan dagaal, waa xasuuq." Ayuu yiri Madaxweynaha oo Axaddii Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Addis Ababa, oo uu kaga qaybgelayay Shir Madaxeedka Midowga Afrika.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri "Kani ma ahan dagaal u dhaxeeya laba ciidan, laakiin waa dagaal u dhaxeeya ciidan si weyn loo diyaariyay iyo haweenka & carruurta."

Madaxweynaha ayaa duulaanka Israel ee Gaza la barbardhigay xasuuqii uu Hoggaamiyihii hore ee Jarmalka, Adolf Hitler u gaystay dadka Yahuudda.

"Waxa ka dhacaya Marinka Gaza ee ku dhacaya shacabka Falastiiniyiinta ma jiro wax la barbardhigo waqtigan. Xaqiiqdii waxa ay dhacday arrintan oo kale, markii Hitler uu go'aansaday inuu xasuuqo dadka Yahuudda."

Dhanka kale Madaxweynaha Brazil ayaa dalalka reer galbeedka ku dhalleeceeyay tallaabada ay ku joojiyeen kaalmada maaliyadeed ee ay siiyaan Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), ka dib markii Israel ay sheegtay in 12 ka mid ah shaqaalaheeda ay ka qayb qaateen weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

"Markan arko dunida qaniga ah oo ku dhawaaqeysa inay joojineyso wax ku biirinta gargaarka bani'aadantinimo ee Falastiiniyiinta, waxaan qiyaasayaa sida ay u weyn tahay wacyiga siyaasadeed ee dadkan iyo sida ay u weyn tahay ruuxa wadajirka ee qalbigooda." Ayuu yiri Madaxweyne Lula da Silva.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray "Waxaan u baahanahay inaan joojino inaan yarayno, marka aan u baahanahay inaan weynayno."

Lula da Silva, Madaxweynaha Brazil ayaa ku celiyay baaqiisii ahaa in khilaafka iyo colaadda muddada dheer ka dhex taagan labada dhinac lagu dhameeyo xalka laba dowladood oo deris ah, nabadna ku wada nool.