Madaxweynaha Mareykanka iyo Boqorka Jordan oo ka wada hadlay colaadda Gaza

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa gelinkii dambe ee Isniintii Aqalka Cad ku qaabilay Boqorka Jordan, Boqor Cabdallaha Labaad.

Labada hoggaamiye waxay isla qireen in 75-kii sano ee xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga & saaxiibtinimada joogtada ah ee Mareykanka iyo Jordan uu muhiim u noqday is xulafeysigooda.

Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Marinka Gaza, waxayna labaduba sheegeen inay ka go'an tahay in ay ka wada shaqeeyaan, sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada.

Kulankooda ayay ku soo hadal qaadeen muhiimadda ay leedahay xasilloonida Daanta Galbeed ee la haysto iyo guud ahaan gobolka. 

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa shir jaraa'id ka sheegay in Mareykanka uu gadaal ka riixayo in lix toddobaad la hakiyo dagaalka Xamaas iyo Israel, si ay dhabaha ugu xaarto in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo colaadda Gaza.

Waxa uu sheegay in qorshaha hakinta dagaalka uu sahli doono in gargaarka uu si weyn u gaaro dadka reer Gaza iyo in la soo sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta, ka dibna loo jiheysto waxa u baahan in wax laga qabto.

"Bishii la soo dhaafay waxaan wicitaano la yeeshay Raysal Wasaare Netanyahu iyo sidoo kale Hoggaamiyeyaasha Masar iyo Qatar, si aan horey ugu sii wadno wada hadalada. Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska ayaa miiska saaran, waxaa jira dulduleelo, laakiin waxaan ku dhiirigeliyay hoggaamiyeyaasha Israel inay sii wadaan ka shaqaynta, si loo gaaro heshiiska. Mareykanka wuxuu samayn doonnaa wax kasta oo suurtagal ah si uu u dhaco." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Washington aysan si sax ah u garanayn tirada dadka la haysteyaasha ee gacanta ugu jira kooxaha Falastiiniyiinta ee weli nool.

"Niyad xumada ay qoysaskoodu ku jiraan toddobaadba kan ka dambeeya, bilba bil waa wax aan la qiyaasi karin, waana mudnaanta ugu sarreysa Mareykanka inuu dalkooda dib ugu soo celiyo." Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Biden ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dhawro xaaladda ka taagan Xaramka Al-Shariif/Temple Mount, isaga oo aqoonsanaya doorka muhiimka ah ee Jordan, oo ah ilaaliyaha meelaha barakaysan Muslimiinta ee Qudus. 

Boqor Cabdallaha Jordan oo ka garab hadlayay Madaxweyne Biden ayaa soo cusbooneysiiyay baaqiisii ahaa in si degdeg ahi loo joojiyo dagaalka.

"Iskama taagnaan karno, xaalkana sidaan ma sii ahaan karo. Waxaan hadda u baahanahay xabad joojin waarta." Ayuu yiri Boqorka Jordan oo intaasi ku daray "Dagaalkan waa in la soo afjaraa."

Boqorka ayaa adkeeyay in la kordhiyo gargaarka bani'aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka rayidka ah, si looga hortaggo masiibo bani'aadantinimo.

Kulanka ayaa imaanaya, xilli Militariga Israel ay isku diyaarinayaan hawlgal dhinaca dhulka ah oo Tel Aviv ay damacsan tahay in ciidamadeeda ay ka sameeyaan deegaanka Rafah ee koonfurta Gaza.

Dunida ayaa muujisay, sida duulaankan uu dhibaato weyn ugu yahay dad lagu qiyaasay 1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah oo gabaad ka dhigtay Rafah, oo ku taala xadka Gaza iyo Masar.