Madaxweyne Lula da Silva: Dhaqanka Israel ma laha wax lagu sifeeyo

Madaxweynaha Brazil, Lula da Silva ayaa weerar afka ah ku qaaday Maamulka Israel, oo uu ku eedeeyay in si indha la'aan ah ay dadka rayidka ah ugu xasuuqayaan Marinka Gaza.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay caadeysteen dilka haweenka iyo carruurta Gaza, iyadoo ay Israel qiil ka dhiganeyso inay la dagaalameyso Xamaas.

"Iyadoo lagu marmarsiyoonayo la dagaalanka Xamaas, waxay dilayaan haweenka iyo carruurta." Ayuu yiri Madaxweynaha Brazil oo Khamiistii Caasimadda Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar, Abdel Fattah el-Sisi.

Madaxweynaha oo hadlayay, ka dib kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Masar ayaa yiri “Dhaqanka Israel ma laha wax sharaxaad ah, ma laha wax lagu sifeeyo."

Mar dambe oo uu la hadlayay Jaamacadda Carabta ayuu sheegay in Brazil ay cambaareysay weerarkii Xamaas ay 7-dii October ku qaadday dadka rayidka ah ee Israel, balse jawaabta Israel ay noqotay mid aan loo meel dayin oo aan kala sooc lahayn, isla-markaana aan la aqbali karin.

Lula da Silva, Madaxweynaha Brazil ayaa sheegay inaanay nabadi jiri doonin, haddii aan la dhisin buu yiri dowlad Falastiini ah.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la sameeyo xabad joojin degdeg ah, si loo ogolaado buu yiri gargaarka bani'aadantinimo ee Gaza.

"Dilka waa in la joojiyaa." Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynuhu.

Dhanka kale Madaxweyne Lula da Silva ayaa Qaramada Midoobey ku dhaliilay inay ku guuldareysatay in ay xaliso khilaafaadka caalamiga ah, waxaana uu soo jeediyay in dib-u-habayn lagu sameeyo Golaha Ammaanka iyo in Falastiin ay xubin buuxa ka noqoto Qaramada Midoobey.

Hadalkiisan ayaa imaanaya, iyadoo Ciidamada Israel ay isku diyaarinayaan guluf ballaaran oo sida ay Tel Aviv sheegtay Xamaas lagaga sifeynayo deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, waana dhul muddooyinkii ugu dambeysay ay buuxdhaafiyeen in ka badan hal milyan oo barakacayaal ah.