Mareykanka oo Maxkamadda ICJ ugu yeeray inaysan Israel ka dalban joojinta duulaankeeda

Dowladda Mareykanka ayaa Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ ugu yeertay inaanay Israel ku amrin inay si degdeg ah u soo afjarto dhulka Falastiiniyiinta ee ay xoogga ku haysato.

Washington ayaa Maxkamadda Qaramada Midoobey weydiisatay in aysan amar ku bixin in Ciidamada Israel ay si shuruud la'aan ah uga baxaan dhulka Falastiiniyiinta, iyada oo aan la heli dammaanad amni.

Maxkamadda ayaa markii ugu horreysay isbuucan bilowday inay dhageysato codsi uu sanadkii 2022-kii u soo gudbiyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, oo ku aaddanaa inay sharci ka soo saarto cawaaqibka sharci & siyaasadeed ee ka dhalan kara dhulalka la haysto iyo saamaynta ay ku yeelan karto qaabka Beesha Caalamka u wajaheyso khilaafka.

Maxkamadda ayaa muddo toddobaad ah ku bixin doonto inay dhageysato in ka badan 50 dowladood oo maxkamadda kaga hor doodi doona aragtidooda la xiriirta dhaqamada Israel iyo muddada dheer ay xoogga ku haysato dhulka Falastiiniyiinta, oo ay ku jirto Bariga Qudus.

Faransiiska, Ruushka, Masar, Emirate-ka Carabta iyo dalal kaloo badan ayaa ka qayb qaadanaya ololaha caalamiga ah ee ka dhanka ah Israel, si loogu cadaadiyo inay ka baxdo dhulka Falastiiniyiinta, isla-markaana ay aqbasho dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka barbar dhalata.

Mareykanka oo ka mid ah dalal fara ku tiris ah oo dacwadda ku difaacaya Israel ayaa maxkamadda ka dalbaday in amniga Israel lagu dabaqo go'aan kasta oo lagu xallinayo khilaafka.

Kusimaha La taliyaha Dhanka Sharciga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Richard Visek oo Arbacadii khudbad ka jeediyay Maxkaamdda ICJ ayaa ku baaqay in la tixgeliyo baahida amni ee Israel ee Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.

"Dhaqdhaqaaq kasta oo ku wajahan ka bixitaanka Israel ee Daanta Galbeed iyo Gaza, waxay u baahan tahay tixgelinta baahida amni ee dhabta ah ee Israel." Ayuu yiri Richard Visek.

Richard Visek ayaa soo jeediyay in Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ay si dhow u eegto baahiyaha amniga ee Israel, marka la dhageysanayo dacwadda sharciga ee dhulka la haysto.

Mareykanka ayaa Talaadadii diidmada qaxayan ku hor istaagay qaraar ay Qaramada Midoobey ku dalbaneysay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Gaza iyo in dadka rayidka ah la gaarsiiyo gargaar wax ku ool ah. Qaraarka oo ay taageereen 13 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa waxaa ka aamusay Ingiriiska.

Tani ayaa lagu macneeyay inay xoojisay go'doominta taageereyaasha tirada yar ee Israel, ka dib markii dalalka caalamka ay si adag u cambaareeyeen go'aankii Mareykanka.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa la filayaa in mar kale lagu go'doomiyo oo ay gooni ka noqdaan dunida inteeda kale dacwaddan uu dhageysigeedu ka socdo Magaaalda The Hague.