Mareykanka oo Shaqaalaha Safaaraddiisa ka daadgureeyay dalka Haiti

Dowladda Mareykanka ayaa Axaddii sheegtay in dalka Haiti ay ka soo daadgureysay Shaqaalihii Safaaradda ee aan muhiimka ahayn, iyadoo dalkaasi uu ku sii fidayo rabshado burcadnimo ah.

Kooxaha burcadda ee hubeysan ayaa horaantii bishan weeraray Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Port-au-Prince, Saldhigyada Booliska iyo xabsiyada. Kooxahan ayaa dalbanaya in Raysal Wasaare Ariel Henry uu xafiiska banneeyo.

"Rabshadaha kooxaha burcadda ah ee sii kordhaya ee ka dhacay xaafadda u dhow Xarumaha Safaaradda Mareykanka iyo Garoonka Diyaaradaha ayaa sababay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay go'aan ku gaarto in Shaqaalaha Safaaradda ee dheeraadka ah ay baxaan." Ayay Safaaraddu ku sheegtay qoraal ay soo saartay.

Taliska Militariga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in dalkaasi ay ka fuliyeen hawlgal looga soo saarayay shaqaalaha hoose ee safaaradooda.

Taliska ayaa dhanka kale sheegay in Ciidamada Mareykanka ay xoojiyeen ammaanka safaaradda, waana xilli dalkaasi uu wajahayo xaalad degdeg ah.

Ciidamada Mareykanka oo adeegsanaya diyaarad helicopter ah ayaa shaqaalaha ka daadgureeyay Xarunta Safaaradda, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka AP, iyada oo soo xiganeysa dadka deegaanka ee ka ag-dhawaa halkaasi.

Hawlgalka daadgureynta ayaa ahaa calaamaddii ugu dambeysay qalalaasaha amni darro ee ka jira dalkaasi.

Qulqulatooyinka ka socda dalkan ku yaala Caribbean-ka ayaa yimid, xilli Raysal Wasaare Ariel Henry uu Magaalada Nairobi ugu safray dhameystirka hawlgalka ay taageereyso Qaramada Midoobey ee ay Kenya kun askari oo boolis ah ugu direyso dalkaasi.

Raysal Wasaare Henry oo Talaadadii isku dayay inuu dib ugu laabto magaalo madaxda dalkaasi ayaynaan u suurtagalin, isagoona markii dambe safarkiisa u weeciyay Jasiiradda Puerto Rico ee Mareykanka uu leeyahay.

Henry ayaan weli ka hadlin xaaladda cakiran ee ka jirta dalkiisa, tan iyo markii uu booqday Caasimadda Nairobi, oo uu kula kulmay Madaxweyne William Ruto.

Kenya ayaa sanadkii hore sheegtay in ay hoggaamin doonto dalalka ciidamada u diraya dalkaasi, inkastoo billihii la soo dhaafay uu Kenya hareeyay muran dhanka sharciga ah, ka dib markii Maxkamadda Sare ee dalkaasi ay soo saartay go'aan ay si ku-meel-gaar ah ugu hakisay qorshihii dowladda ay Ciidamada Booliska ah ugu diri lahayd dalkaasi Haiti.

Maxkamadda Sare ayaa xilligaasi sheegtay in qorshaha ay Xukuumadda Nairobi askar boolis ah ugu direyso dalkaasi uu yahay mid baalmarsan Dastuurka Kenya.

Maxkamadda ayaa go'aankeedan ku dhawaaqday maalmo uun ka dib, markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu daba-yaaqadii sanadkii hore uu ansixiyay in Kenya ay hoggaamiso hawlgalka caalamiga ah ee Ciidamada Booliska ah lagu gaynayo dalka Haiti.