Mareykanka oo sheegay in Ukraine aysan ku lug lahayn weerarka ka dhacay Moscow

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay inaysan Ukraine ku lug lahayn weerarka uu dhiigga badani ku daatay ee ka dhacay Magaalada Moscow.

Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, Kamala Harris ayaa sheegtay inaysan jirin wax caddeyn ah, oo loo hayo in Ukraine ay ka dambeysay weerarka ay kooxaha hubeysan ka gaysteen hoolka Crocus.

Waxay sheegtay inay ogyihiin oo keliya in weerarka ay gaysatay Daacish, iyadana ay ka masuul tahay wixii dhacay.

"Ma jirto caddeyn muujineyso in Ukraine ay ku lug leedahay weerarka. Waxa aan ognahay ayaa ah in Daacish ay ka dambeysay dhab ahaantii wixii dhacay, iyadaana ka masuul ah." Ayay tiri Kamala Harris.

Kamala Harris oo wareysi siisay ABC News ayaa tiri "Waxa dhacay waa fal argagixiso, tirada dadka la dilayna waa masiibo. Dhammaanteen waa inaan u tacsiyaynaa qoysaska."

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka, gabadha lagu magacaabo Adrienne Watson ayaa sheegtay in Washington ay 7-dii bishan soo saartay digniin ku aaddan suurtagalnimada in kooxaha argagixisada ay qorsheynayaan weeraro ay ka gaystaan Magaalada Moscow, oo laga yaabo in lagu bartilmaameedsado isu imaatinada waaweyn, oo ay ku jiraan goobaha masraxyada.

"Taas ayaa kaliftay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay soo saarto digniin ku wajahan muwaadiniintayada ku sugan dalka Ruushka." Ayay tiri Adrienne Watson.

Adrienne Watson ayaa xustay in Mareykanku uu Ruushka la wadaagay macluumaadka ku saabsan in weeraro argagixiso ay ka dhici karaan Moscow, sidaasi daraadeedna aysan jirin wax lug ah oo Ukraine ay ku leedahay weerarkaasi.

"Daacish ayaa leh masuuliyadda weerarkan, mana jirto wax lug ah oo Ukraine ay ku leedahay." Ayay tiri Adrienne Watson.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin oo sheegay in gacanta lagu soo dhigay afartii nin ee weerarka gaysatay ayaa dhanka kale sheegay in raggaasi ay isku dayeen inay u baxsadaan dhanka xadka Ukraine, xogtana ay ku hayaan in raggaasi laga la shaqeynayay baxsadkooda.

"Dembiileyaasha waxay isku dayeen inay is qariyaan, iyagoo u baxsanaya Ukraine, halkaas oo sida xogta hordhaca ah loo diyaariyay daaqad dhinaca Ukraine ah, si ay uga gudbaan xadka." Ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Madaxweyne Putin ayaa wacad ku maray inay ciqaabi doonaan cid kasta oo ku lug yeelata weerarkaasi oo galaaftay nolosha in ka badan 130 qof, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa isna sheegay inaanu dalkiisu ka dambayn sida uu yiri weerarka argagixiso ee ka dhacay hoolka riwaayadaha ee Crocus.

"Ruushka oo u yimid dalkeenna inay gubaan magaalooyinkeenna ayaa isku dayaya inay na eedeeyaan. Haddii aysan dadka Ruushka la xisaabtamin hay'adahooda ammaanka iyo sirdoonka, markaas Putin wuxuu isku dayi doonnaa inuu mar kale xaaladdan oo kale u rogo faa'iido shakhsi ahaaneed." Ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine.

Inkastoo Daacish ay sheegatay masuuliyadda weerarka, haddana Aqalka Kremlin-ka ayaan ku kalsoonayn sheegashadaasi, marka aad eegto inaanay Daacish soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadeeda.

Ukraine ayaa ka walaacsan in Ruushka uu dalkeeda ka gaysto weeraro uu kaga aargudanayo midkii Moscow.

Dunida ayaa si weyn u hadalhaysa toogashada ay dadka badani ku dhinteen ee habeenkii Jimcaha ka dhacday Magaalada Moscow.