Mareykanka oo sheegay in Xuuthiyiinta ay si khaldan u weerareen markab u socday Iran

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa Talaadadan sheegay in Xuuthiyiinta Yemen ay si khaldan gantaalo ugu weerareen markab ganacsi oo ku sii jeeday dalka Iran.

Xuuthiyiinta ayaa Isniintii sheegay in markabka xamuul ee lagu magacaabo Star IRIS, oo ay sheegeen in laga leeyahay dalka Mareykanka ay ku weerareen Badda Cas, isla-markaana ay gantaaladooda haleeleen markabkaasi.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa beeniyay in markabka laga leeyahay dalkaasi, isagoona sheegay in laga leeyahay Giriiga, balse uu watay Calanka Jasiiradda Marshall.

"Laba gantaal ayaa lagu weeraray markabka MV Star IRIS, oo ah markab nooca xamuulka oo watay Calanka Jasiiradda Marshall, lagana leeyahay Giriiga, kaas oo ku safrayay Badda Cas. Markabka ayaa waxaa soo gaaray burbur fudud, mana jiro wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalihii la socday." Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Taliska CENTCOM

Taliska ayaa tibaaxay in markabka oo galey ka soo qaaday dalka Brazil uu ku sii jeeday magaalada dekedda leh ee Bandar Imam Khomeini ee dalka Iran.

Warkan uu Mareykanku ku sheegay in Xoogaga Xuuthiyiinta ay si khaldan u beegsadeen markabkaasi ayaa dhaliyay su'aalo la xiriira bartilmaameedka xoogagaasi.

Iran waa dalka keliya ee muuqdo ee taageerada maaliyadeed iyo midda militariba siiya Ururka Xuuthiyiinta, oo ka arrimiya inta badan dalka Yemen.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa sheegay in joojinta weeraradooda maraakiibta Badda Cas ay ku xiran tahay keliya Israel oo soo afjarto weeraradeeda cadowtinimada ah ee ay ka waddo sida uu yiri Marinka Gaza.

Hoggaamiyaha oo khudbad uu jeediyay si toos ah looga daawanayay telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa sheegay in hawlgaladooda militari ee Badda Cas ay keeneen in maraakiibta ganacsi ee laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee dekedahooda ku socda ay ka caagaan isticmaalka marin biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas.

Abdul-Malik Al-Houthi ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan dadaalada ay ku go'doominayaan dekedaha buu yiri xoogga looga haysto Falastiin, inta ay Tel Aviv xasuuqa ku hayso dadka reer Gaza.

Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska oo tan iyo 12-kii bishii January weeraro xagga cirka ah ka waday dalka Yemen ayaan joojin gantaalaha ka imaanaya deegaanada ay Xuuthiyiinta ka arrimiyaan ee liishaankoodu uu ku jiheysan yahay Badda Cas.