Mareykanka oo Shiinaha ka codsaday inay Iran ku booriyaan ka hortagga weerarada Xuuthiyiinta

Mareykanka ayaa markii ugu horreysay Shiinaha ka codsaday in Iran uu ku booriyo in Xuuthiyiinta Yemen ay joojiyaan weeraradooda ay ku carqaladeynayaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee adeegsata Badda Cas. Iran waa dalka keliya ee muuqda ee taageerada tooska ah siiya Xuuthiyiinta.

Shiinaha ayaa xiriir dhow la leh Iran, oo inta badan ku saleysan maalgashiga iyo saliidda la soo dhoofiyo, waxaana sanadkii hore uu martigeliyay wada hadalo horseeday in Iran iyo Sacuudiga ay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed.

La taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Jake Sullivan iyo Kuxigeenkiisa Jon Finer ayaa arrintan kala hadlay Liu Jianchao, Madaxa Waaxda Xiriirka Caalamiga ah ee Shiinaha, kaas oo ay kulamo kula yeesheen Magaalada Washington.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sidoo kale dhiggiisa Shiinaha Wang Yi kala hadlay xiisadda sii kordheysa ee ka jirta marinka mashquulka badan ee Badda Cas.

Washington ayaa Beijing weydiisatay in Tehran ay ka dhaadhiciso in la xakameeyo weerarada Xuuthiyiinta Yemen, oo inta badan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ku khasbay in ay ka weecdaan Badda Cas. 

Wargeyska Financial Times ayaa Arbacadii ku waramay in Aqalka Cad uu rumeysan yahay in Shiinuhu uu qaaday tallaabooyin uu ku cadaadinayo Tehran, si aanay faraha uga sii bixin xaaladda marin biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, iyadoo markaasi la xakameynayo weerarada Xuuthiyiinta.

Dowladda Shiinaha ayaa dhawaan walaac ka muujisay saamaynta ay xiisadda Badda Cas ku yeelan karto danaheeda ganacsi ee ugu weyn marinka Suweys.

Gaadiidka badda ayaa ah laf dhabarta marinada ganacsiga ee Shiinaha iyo Midowga Yurub, oo 90% ka ah ganacsigooda, iyadoo carqaladeynta marin biyoodka Badda Cas illaa kanaalka Suweys ay sidoo kale kala dhantaaleyso ganacsiga Yurub.

Weerarada Xuutiyiinta ee Badda Cas ayaa hakad ku keenay isu socodka qayb ka mid ah ganacsiga muhiim ah ee u dhaxeeya Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya, waxaana jira walaac caalami ah oo laga muujinayo xaalad kale oo sicir barar ah oo ku soo kororta dunida, ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine oo cawaaqib dhaqaale laga dhaxlay.

Sii socoshada weerarada Xuuthiyiinta ayaa kaga sii dareysa sicir bararka ka jira suuqyada caalamiga ah, maadaama marka ay maraakiibta ka gudbayaan Badda Cas illaa kanaalka Suweys ay ka kharash yar yihiin, kolka ay adeegsanayaan waddada wareegga Afrika ee Cape of Good Hope, oo ah waddo uu kharashkeedu badan yahay, waqtiga safarkana uu ka dheer yahay kii hore.