Mareykanka oo si adag uga horyimid duulaanka Israel ee Rafah

Mareykanka ayaa Israel uga digay inay weerar ku qaaddo deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, kuna yaala xadka Gaza iyo Masar.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa 1-dii bishan ku dhawaaqay in Militariga Israel ee ku sugan bartamaha Marinka Gaza ay hawlgalo dhinaca dhulka ah ka bilaabi doonaan Rafah.

Rafah ayaa waxaa hadda gabaad ka dhiganaya in ka badan hal milyan oo qof, kuwaa oo ah dadkii ay Israel guryahooda uga soo barakacisay duqaymaha baahsan ay ka waddo Gaza.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay inaanay taageeri doonin weerar kasta oo Ciidamada Israel ay ku qaadaan deegaanka xuduudda dhaca ee Rafah.

Aqalka Cad ayaa waxa uu sheegay in ku riixitaanka Militariga Israel ee Rafah ay noqon doonto mid masiibo ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa dhankeeda Tel Aviv uga digtay in qorshe la'aan ay weerarto Rafah.

"In xilligan la sameeyo hawlgalkan oo kale, iyada oo aan wax qorshe ah iyo feker yar laga samayn halkaas oo hal milyan oo qof ay gabaadsanayaan, waxay noqon doontaa masiibo." Ayuu yiri Kuxigeenka Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Vedant Patel.

Militarga Israel ayaa maalmihii ugu dambeysay duqaynayay Rafah, taas oo calaamad u ah hawlgalka dhinaca dhulka ah ee Ciidamada Israel loogu dhaqaajinayo dhulka ciriiriga ah.

Hay'adaha Qaramada Midoobey ayaa ka digay masiibo ba'an oo bani'aadantinimo, haddii Israel ay raacdo hanjabaadeeda ah in ciidamadeeda ay gudaha u geli doonaan Rafah, oo ay ku nool yihiin kala bar dadka reer Gaza.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dadku ay u baahan yihiin goobo ay kaga baxsadaan duqaymaha joogtada ah ee Israel ka waddo dhulka go'doonsan, iyadoona Tel Aviv ku boorisay in ay ka laabato qorsheynteeda duulaanka Rafah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, haweeneyda lagu magacaabo Annalena Baerbock ayaa dhawaan Israel u sheegtay inaanay furin dagaal u bedeli karin Rafah.

Falastiiniyiinta laga soo barakaciyay guryahooda oo is dulsaar ku ah Rafah ayaa halkaasi ka sameystay guryo ka sameysan teendhooyin iyo cooshado.

Rafah ayaa ah meesha keliya ee Gaza uu ka soo galo gargaarka yar ee mararka qaarkood la gaarsiiyo dadka rayidka ah.

Hawlgalada cirka iyo dhulka ee Ciidamada Israel ka wadaan Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 27,840 qof, oo u badan haween iyo carruur, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza. Wasaaradda ayaana tirada dadka dhaawaca ah ku sheegtay 67,317 qof.