Militariga Israel oo shacabka ku amray inay banneeyaan Isbitaalka Nasser

Militariga Israel ayaa dadka rayidka ah ku amray inay banneeyaan Isbitaalka Nasser ee Marinka Gaza.

Isbitaalkan oo ku yaala galbeedka Khan Yunis ayaa ah xarunta ugu weyn caafimaad ee Gaza ee hartay, waxaana muddooyinkii ugu dambeysay gabaad ka dhiganayay dad fara-badan oo rayid ah.

Afhayeenka Wasaaaradda Caafimaadka Gaza, Ashraf Al-Qedra ayaa sheegay in dadka rayidka ah ee gabaadsanaya isbitaalkaasi lagu khasbayo in ay raadsadaan goobo kale oo ay gabaad ka dhigtaan.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in militarigu uu maamulka isbitaalkaasi ku amray in dhammaan dadka barakacayaasha ah ay ka daadgureeyaan isbitaalka.

"Maamulka isbitaalka waxaa loo sheegay in bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka oo keliya ay tahay in ay ku sii jiraan isbitaalka." Ayuu yiri Afhayeenku.

Iyadoo Gaza oo dhan ay ka socdaan duqaymaha baahsan ee Israel ayaa waxaan jirin aag nabdoon oo ku yaala dhulka la go'doomiyay.

Ciidamada Israel ayaa bartilmaameedsanaya kaabeyaasha rayidka ee Marinka Gaza, sida iskuulada, isbitaalada, masaajidda iyo kaniisadaha.