MSF: Qofna iyo meelna kuma nabad galo Gaza

Ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn ee MSF ayaa sheegay in Marinka Gaza ay dhammaanteed tahay meel ay halakeeyeen weerarada baahsan ee Ciidamada Israel.
Ururka ayaa sheegay in tan iyo markii Ciidamada Israel ay bartilmaameedsadeen xeryaha qaxootiga ee Maghazi iyo Bureij in Isbitaalka Al-Aqsa la geeyay meydadka 131 qof, isla-markaana la dhigay 209 qof oo dhaawac ah.
"Ka dib duqaymihii ka dhacay xeryaha qaxootiga ee Maghazi iyo Bureij, Isbitaalka Al-Aqsa ayaa sheegay in illaa hadda la dhigay 209 dhaawac ah iyo 131 dhimasho ah. Qiyaastii kala bar waxay ahaayeen dumar iyo carruur. Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha MSF ayaa bixiya daryeelka dhaawacyada kala duwan ee dagaalka." Ayaa lagu yiri war ay MSF soo saartay.
Warka ayaa lagu sheegay inaysan jirin meel ammaan ah oo maanta ku taala Marinka Gaza.
MSF ayaa ku baaqday in hadda la sameeyo xabad joojin joogto ah, si looga hortaggo dhimasho & dhaawac badan iyo in gargaar aan xadidnayn la gaarsiiyo dadka u baahan.
"Qofna iyo meelna kuma nabad galo Gaza. Waxaan u baahanahay xabad joojin joogto ah hadda, si aan uga hortagno dhimasho iyo dhaawac badan, si loo xaqiijiyo gaarsiinta gargaarka aan la xanibin iyo cabir ballaaran oo lagu daboolayo baahiyaha caafimaad." Ayaa yiri warka MSF.
Hay'adaha caalamiga ah ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay si aan kala sooc lahayn u beegsadaan goobaha la degan yahay iyo kaabeyaasha rayidka, oo ay ka mid yihiin isbitaalada.
Qaramada Midoobey ayaa walaac xoog leh ka muujisay, sida Israel ay ugu xadgudubtay sharcia caalamiga ah ee bani'aadantinimada.
Dunida ayaa rajo xumo ka muujineysa suurtagalnimada in la soo afjaro duulaanka Israel ee Gaza, oo waxyeelada ugu badan ay ka soo gaareyso dadka rayidka ah.


