Netanyahu: Gaza waxaan ka dhigi doonnaa meel ka caagan Xamaas iyo Fatah

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa mar kale ku celiyay in Israel aysan joojin doonin duulaankeeda Gaza, illaa iyo inta Xamaas laga ciribtirayo, lagana soo sii deynayo sida uu yiri la haysteyaasha.
Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in kolka ay Xamaas ka takhalusaan ay xaqiijin doonaan in Gaza aysan ahayn meel halis ku ah amniga Israel.
"Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo awooddeenna ah, si aan u hubino in Gaza aysan halis ku ahayn Israel." Ayuu yiri Netanyahu.
Netanyahu ayaa intaasi ku daray "Ka dib markii aan meesha ka saarno Xamaas, waxaan ku dadaali doonnaa, sidii aan u xaqiijin lahayn in Gaza aysan wax khatar ah ku keeni doonin Israel, Xamaas iyo Fatah midna."
Benny Gantz oo ka tirsan Xubnaha Golaha Wasiirada ee dagaalka ee markii ugu horreysay la aasaasay bishii October ayaa isna maanta shirka Golaha Wasiirada ka sheegay in Tel Aviv aysan wax niyad ah u haynin joojinta dagaalka, illaama laga soo celinayo buu yiri la haysteyaasha, waxna laga bedelayo xaqiiqada ka jirta koonfurta Israel.
"Hawlgalka Gaza waa in uu sii socdaa, waxyeelada ka soo gaareysa Xamaas-na waa in la joogteeyo, wuxuuna hawlgalka dhulka u sii socon doonnaa si qoto dheer oo heerar kala duwan ah." Ayuu yiri Benny Gantz, oo ah Wasiir aan feelal lahayn ama aan wax xil ah ku magacawnayn.
Hanjabaadda Madaxda Israel ayaa imaanaysa, xilli ay socdaan dadaalo lagu doonayo in mar kale dhexdhexaadin lagaga dhex bilaabo Xamaas iyo Israel.


