Netanyahu oo ogolaaday in Israel ay ku laabato miiska wada hadalka

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii ogolaaday in Israel ay ku laabato miiska wada hadalada, si ay u sii socdaan dadaalada lagu dhexdhexaadinayo iyada iyo Xamaas.

Kooxdii Israel ku meteleysay wada-xaajoodyadii Doha ayaa dhawaan dib ugu laabatay Tel Aviv, ka dib go'aankii Golaha Ammaanka ee lagu dalbanayay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza, isla-markaana ay Israel ogolaato in wax laga qabto xaaladda bani'aadantinimo ee ka sii dareysa ee ka jirta dhulka go'doonsan. Israel ayaa xilligaasi muujisay, sida ay uga soo horjeeddo go'aankaasi.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa hadda sheegaya in maamulkiisu uu diyaar u yahay in Israel ay dib ugu laabato dadaalada dhexdhexaadinta, si loo gaaro nooc uun heshiis ah, oo bilow u noqon kara in la soo afjaro colaadda Gaza, dhinacyaduna ay sameeyaan maxaabiis is dhaafsi.

Waxa uu sheegay in uu la hadlay dhexdhexaadiyeyaasha, isla-markaana uu u sheegay in wufuudda Israel ay ku soo laabanayaan wada hadalada.

Wada hadaladan oo ay garwadeen ka yihiin Dowladaha Qatar, Masar iyo Mareykanka ayaa looga shaqeynaya in la gaaro heshiis xabad joojin ah, kooxaha Falastiiniyiintana ay la haysteyaasha Israeliyiinta ku bedeshaan maxaabiis fara-badan oo Falastiiniyiin ah, kuna xiran xabsiyada Israel.

Ugu yaraan 130 qof oo Israeliyiin ah ayaa lagu haystaa Marinka Gaza, kuwaa oo xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay ku soo qafaasheen weerarkii October 7-deedii.

Ku dhawaaqista Netanyahu ayaa loo fasirtay mid ka dhalatay cadaadiska caalamiga ah ee sii kordhaya, oo markan uu gadaal ka riixayo Mareykanka, si lix bilood ka dib loo soo afjaro dagaalka.

Duulaanka Israel ee Gaza ayaa khilaaf xoog leh ka dhex dhaliyay Mareykanka iyo Israel, oo xiriirkoodu uu gaaray meeshii ugu hooseysay.

Khilaafkoodan ayaa cirka isku shareeray, ka gadaal markii Hoggaamiyaha Israel uu ka biyo diiday inuu ka laabto hawlgalka dhinaca dhulka ah ee uu amarka ku bixiyay in ciidamadiisa ay ka bilaabaan deegaanka Rafah ee jiidda koonfureed ee Marinka Gaza.

Washington ayaa muujisay in ay ka daashay habdhaqanka khalafsan ee Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel.

Khamiistii, Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ayaa ku amartay Israel inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si loo hubiyo in cuntada iyo sahayda dawada ay si wax ku ool ah u galaan Gaza, iyadoo laga hortaggayo macluusha ay Qaramada Midoobey ka digtay.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa sheegay in gaajeysiinta oo sida hubka oo kale loo adeegsado ay ka dhigan tahay dembi dagaal.

Amarka Maxkamadda ICJ ayaa daba socdo codsi kaga yimid Dowladda Koonfur Afrika, oo iyadu ku eedeysay Ciidamada Israel in ay xasuuq ka gaysteen Marinka Gaza.