Puntland oo ugu dambayn sii deysay dhallinyaradii ay ciidamadeeda ku qabteen Gaalkacyo
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sii deysay dhallinyaradii loo waday tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee ay maanta ciidamadeeda ku qabteen Magaalada Gaalkacyo.
Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib wada hadal lagu sii deynayay dhallinyaradaasi oo masuuliyiinta labada dhinac ay ku yeesheen waqooyiga Gaalkacyo.
Masuuliyiinta Gobolka Mudug ee qaybta Puntland ayaa dhallinyaradaasi iyo laba gaari oo ay la socdeen ku wareejiyay dhigooda Galmudug.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa laga soo xigtay in dhallinyarada ay ambadeen, isla-markaana aanu jirin qorshe ay ku qalqalgelin lahaayeen amniga Puntland.
Dhallinyaradan oo loo qaatay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu uruuriyay koonfurta Gaalkacyo, isla-markaana ay saakay ka lumeen waddadii ay u mari lahaayeen dhanka Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, sidaasina ay ugu dhaceen goob ay ku sugnaayeen Ciidanka Puntland.
Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa mar sii horreysay dhallinyaradan ku sheegay ciidamo Soomaaliyeed oo loo soo xawilay Puntland, sida uu yiri.
Lugatoor ayaa tirada dhallinyaradan ku sheegay 130 nin oo 5 ka mid ah ay reer Puntland yihiin.




