Raysal Wasaaraha Lubnaan oo Israel ugu baaqay in ay joojiso weeraradeeda

Raysal Wasaaraha dalka Lubnaan, Najib Mikati ayaa ugu yeeray Israel in ay joojiso weerarada gardarrada ah ay ka waddo buu yiri koonfurta Lubnaan iyo Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa ka digay in sii socoshada daandaansiga Israel ee koonfurta Lubnaan ay horseedi karto in xaaladda gobolka ay meel adag gaarto.

"Sii socoshada daandaansiga Israel ee koonfurta Lubnaan waxay horseedi kartaa in xaaladda ay ka sii darto iyo inuu dagaalku noqdo mid aan dhammaad lahayn." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaare Mikati ayaa dunida ugu baaqay in Israel la saaro cadaadiska ugu badan, si loo joojiyo weeraradeeda koonfurta dalkaasi, xaaladdana aysan faraha uga sii bixin.

Isku dhacyada u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah ee xuduudda ayaa sii xoogeysanaya.

Iyadoo Israel ay wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ay sheegtay in ay ku ciribtireyso Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza ayaa xoogaga ay Iran taageerto ee Yemen, Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq ay u muuqdaan kuwo kordhiyay weerarada ka dhanka ah Israel iyo danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Xamaas ayaa mar sii horreysay Islaamiyiinta gobolka ugu baaqday in ay ku soo biiraan dagaalka ay doonayaan in ay isaga dulqaadaan gumeystaha.

Weerarada ay qaadayaan xoogaga gobolka ayaa ah mid lagu dalbanayo in Israel ay joojiso weeraradeeda baahsan ee Gaza, isla-markaana ay sida aan kala sooca lahayn ugu leynayso dadka rayidka ah.