Raysal Wasaare Netanyahu oo ka horyimid noocyada heshiiska ee socda

Iyadoo ay socdaan dadaalo xal loogu raadinayo colaadda Gaza iyo sidii heshiis maxaabiis is weydaarsi ah loo gaari lahaa ayuu Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu sheegay inaysan sii deyn doonin kumanaanka maxaabiista Falastiiniyiin ah.

Raysal Wasaaraha ayaa ku hanjabay in Israel ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Ururka Xamaas, illaa iyo inta laga gaarayo hadafka Israel ee dagaalka lagu burburinayo ururkaasi.

"Waxaan maqlaya hadal ku saabsan dhammaan noocyada heshiis ee lagu baaqayo. Waxaan jeclaan lahaa inaan caddeeyo ma joojin doono dagaalka, iyadoo aan la gaarin dhammaan hadafkii aan lahayn, ee ah baabi'inta Xamaas, soo celinta dhammaan la haysteyaasha Israeliyiinta iyo in la hubiyo in Gaza aysan mar dambe noqon goob khatar ku ah amniga Israel." Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu.

Waxa kaloo uu sheegay inaysan Tel Aviv ciidamadeeda kala bixi doonin Marinka Gaza, heshiis kasta oo la gaaro, tani oo caqabad ku ah wada hadalada uu Mareykanku gadaal ka riixayo ee xalka loogu raadinayo la haysteyaasha Israeliyiinta, oo ay ku jiraan kuwo haysta laba dhalasho, oo qaarkoodna ay yihiin muwaadiniin Mareykan ah.

"Ciidamada Israel kama soo bixi doonaan Marinka Gaza, mana sii deyn doono kumanaanka argagixisada ah." Ayuu yiri Netanyahu.

Hadalka Netanyahu ayaa imaanaya saacado uun ka dib, markii Hoggaamiyaha Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh uu sheegay inay daraaseynayaan hindise cusub oo muddo lix toddobaad ah lagu hakinayo dagaalka Gaza.

Xamaas ayuu markii hore hadafkeedu ahaa in la gaaro heshiis si buuxda loogu soo afjarayo duulaankeeda Israel ee Marinka Gaza, inkastoo sida la sheegayo ay tanaasul sameysay.

Hindisaha socda ayaa soo jeedinaya in la dhaqangeliyo xabad joojin lix isbuuc ah, in Ciidamada Israel ay ka baxaan Gaza iyo in Xamaas ay ku bedelato la haysteyaasha Israeliyiinta ee Gaza lagu hayo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada ku yaala Israel, oo tiradooda lagu sheego illaa sideed kun.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in warkan ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Netanyahu uu walaac hor leh ku abuuray qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha.

Shacabka Israel ayaa si dhow isha ugu hayay wada hadalada Axaddii ka bilowday Magaalada Paris, ee u dhaxeeya Mareykanka, Qatar, Masar iyo Israel, iyadoo Masar iyo Qatar ay wada hadalada ku metelayaan Xamaas, maadaama Mareykanka uu u aqoonsan yahay urur argagixiso.

Israeliyiinta ayaa wada hadalada socda u arkayay kuwo wax dhisaya, isla-markaana suurtagelinaya in iyagoo badqaba ay guryahooda dib ugu soo laabtaan dadka looga haysto Gaza.