Raysal Wasaare Netanyahu oo wajahaya culeyskii ugu weynaa

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa waxaa ku kordhaya cadaadiska dhinacyada kala duwan ee muddooyinkii ugu dambeysay uu wajahayay, ka dib markii Ciidamada Israel ay weerar dhinaca dhulka ah ku qaadeen Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa la sheegay in culeyska xooggiisa uu dareemay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, ka gadaal markii uu militarigu qirtay in maalin qura 24 askari looga dilay dagaalka ka socda Gaza, taas oo noqoneyso maalintii ugu dhimashada badneyd, tan iyo markii ay Israel bilowday hawlgalkeeda dhulka.

Taliska Militariga Israel ayaa qirtay in Isniintii 21 askari lagaga dilay deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Gaza, markii ay Xamaas ku weerartay guri ay ku xirayeen miinooyin. Taliska ayaa xilligaasi sheegay in saddexda askari ee kalena ay kaga dhinteen dagaalo kale oo ka dhacay Gaza.

Israeliyiinta oo qaybtood ay markii horeba ka soo horjeedeen dagaalada ka sii socda Gaza ayay korodhay carrada ay u qabaan Raysal Wasaaraha, ka dib markii askarta lagu dilay Khan Yunis la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada kaydka ee la dagaal geliyay dhawaan.

Emmanuel Navon oo bare ka ah Jaamacadda Tel Aviv ayaa AFP u sheegay in khasaaraha askarta uu saameeyay qof kasta oo ku sugan gudaha Israel, bacdamaa kuwa uu maamulku ku khasbayo inay ka sii dagaalamaan Gaza ay yihiin, kuwii ay dhalleen iyo kuwii kale ee la dhashay.

Waxaa isa soo taraya weydiimaha Israeliyiinta ee ku aaddan istiraatiijiyadda militari ee dagaalka ka socda Gaza iyo in hawlgalada ay sidaan ku sii socon karaan, iyadoo uu jiro dhiig bax dhanka ciidamada ah, waxaana aad u sarreya walaaca shacabka ee ku aaddan maamulka oo ku adkeysanaya in dagaalka la sii wadi doono, illaa iyo inta laga takhalusayo Xamaas, taas oo aan la ogayn muddada ay qaadan karto.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayuu culeys kale ka haystaa qoysaska iyo ehelada ee dadka lagu haysto Gaza, kuwaa oo dalbanaya in si degdeg ah dagaalka loo joojiyo, si loo badbaadiyo nolosha la haysteyaasha.

Qoysaska iyo ehelada oo dibadbaxyada ay ka dhigayaan Magaalooyinka Israel ay dib kaga biireen saaxiibada la haysteyaasha ayaa xalay mar kale dibadbaxyo waaweyn ka dhigay magaalooyinkaasi, wax yar uun ka dib, markii ay Xamaas shaacisay in la haysteyaasha ay saacad kasta halis ugu jiraan inay dhintaan, sababo ku aaddan Israel oo ballaarisay duqaymaheeda Gaza.

Xamaas ayaa sheegtay in duqaymahan aan loo meel dayeynin ee ay Israel ka waddo Gaza ay dhibaato ku noqon karto inay sii noolaadaan la haysteyaasha.

Dibadbaxayaasha ayaa ku celiyay baaqoodii ahaa in dagaalka la joojiyo iyo in uu is casilo Raysal Wasaare Netanyahu, loona baahan yahay in la qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa la sheegaya in caqabad kale ay ka soo wajahday dhinaca Golihiisa Wasiirada ee dagaalka, oo qaarkood taageeray baaqa dibadbaxayaasha, ee ah in la joojiyo dagaalka, lana bilaabo wareeg kale oo heshiis maxaabiis is dhaafsi ah oo lala galo Xamaas.

Wasiiradan ayaa ku andacoodanaya inaanay suurtagal ahayn in la sii wado dagaalka iyo in xoog lagu soo furto la haysteyaasha, iyagoo badqabana dib guryahooda loogu soo celiyo.

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al-Qassam, Abu Obaida ayaa toddobaadkan sheegay in Ciidamada Israel ay khatar ku yihiin nolosha la haysteyaasha, xilli ay iyagu dadaal ku bixinayaan, sidii ay u sii noolaan lahaayeen.

Warbaahinta ayaa sheegeysa in shacabka Israel ay si dhab ah u qaateen warka Abu Obaida, isla-markaana ay keentay inay cadaadiska ku kordhiyaan Netanyahu. 

Warbaahinta Israel ayaa tebineysa in Netanyahu ay dan ugu jirto inuu sii wado dagaalkan, maadaama ay dacwad kaga furan tahay maxkamad, loona haysto eedeymo musuq-maasuq.

Siyaasiyiinta Mucaaradka Israel ayaa Warbaahinta u sheegaya in Netanyahu uu ka baxsanayo sharciga, xalna uu u arkay in dagaalka la sii wado.

Netanyahu ayaa lagu dhalleeceeyay in xitaa uu waxba ka maqli waayay Madaxweyne Joe Biden, ka dib markii uu ka diiday in wax laga bedelo istiraatiijiyadda dagaalka, isla-markaana uu xiriirkoodu gaaray halkii ugu hooseysay.

Xeeldheereyaasha ayaa waxay sheegeen in Netanyahu ay ka go'an tahay in dagaalku uu sii socdo, isagoo markaasi ka leh in si xeeladeysan uu xafiiska u joogo.