Safiirka Faransiiska ee Niger oo lagu amray in 48 saac gudahood isaga baxo dalkaasi

Taliska Ciidamada Militariga Niger ee daba-yaaqadii bishii July afgembiga kula wareegay dalkaasi ayaa 48 saac u qabtay in dalka uu uga baxo Safiirkii Faransiiska ee dalkaasi u joogay.
Danjire Sylvain Itte ayaa lagu wargeliyay in muddo laba cisho gudahood uu isaga baxo dalkaasi, bacdamaa ay dowladdiisu diidan tahay kacaanka cusub ee dalkaasi ka curtay.
Paris ayaa si weyn uga hortimid amarka la duldhigay Danjiraheeda, sababtuna tahay inaanay aqoonsanayn ciidamada inqilaabka kula wareegay talada dalkaasi.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa lagu sheegay in nidaamka haatan ka jira dalkaasi aanu awood u lahayn in dalka uu ka eryo Safiirkeeda, sidaasi daraadeedna uu Danjire Itte sii joogi doono Caasimadda Niamey.
Faransiiska ayaa si is daba-joog ah u taageerayay cadaadiska Dowladaha Galbeedka Afrika ay Taliska Militariga ku saarayaan in xafiiska dib loogu soo celiyo Madaxweynihii keliya Niger ee sida dimqraadiyadda lagu soo doortay, waa Mohamed Bazoum, oo ay xireen 26-kii bishii hore ee July.
Urur Goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa ku hanjabay in ay fara-gelin doonaan dalkaasi, haddii aanay militarigu dib u soo celin dowladdii rayidka ahayd.
Dhanka kale Taliska Militariga Niger ayaa Jimcihii ogolaaday in ciidamo ka socda dowladaha deriska ee Mali iyo Burkina Faso ay soo buuxiyaan difaacooda, si loo fashiliyo suurtagalnimada fara-gelin kaga timaada dalalka kale ee gobolka. Tani ayaa sare u qaadeysa is mari-waaga kala dhaxeeya dowladaha loo arko in gadaal ka riixayaan Faransiiska iyo Mareykanka.
Niger ayaa inqilaabka ka hor ahayd saaxiib muhiim ah oo Faransiisku ku leeyahay Afrikada Galbeed, iyagoona iskaashi ka lahaa la dagaalanka Jihaadiyiinta Gobolka Saaxil ee Afrika.
Dalalka gobolka qaarkood ayaa waxaa ka jira Faransiis naceyb, ka dib afgembiyadii dhawaan ka dhacay gobolka, oo reer Yurub loogu jeediyay eedeymo ah inay fara-gelin ku hayaan arrimahooda gudaha.