Saraakiil ka tirsan Shabaab oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Gobolka Hiiraan

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in 10 xubnood oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab lagu dilay hawlgal gelinkii dambe ee maanta ka dhacay deegaanka Buurweyn, oo 23km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

"Hawlgalkan ayaa lagu beegsaday Horjoogeyaal ay ku raad joogeen Sirdoonka Somaliya, kuwaas oo saarnaa gaari uu leeyahay Horjooge Ibnu Bashiir, oo ah horjoogaha maleeshiyada ay Khawaarijta ugu yeeraan Xisbada ee Gobolka Hiiraan, wuxuuna xilligaasi taagnaa gaariga meel fariisin u ahayd maleeshiyaad badan oo Khawaarij ah." Ayaa lagu yiri war caawa ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Warka ayaa lagu sheegay "Waxaa hawlgalkan lagu dilay Horjoogihii Guud ee Caafimaadka maleeshiyada ay ugu yeeraan Xisbada Gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Muxsin iyo Horjooge Anas, oo ahaa Horjoogihii isla maleeshiyadaas u qaabilsanaa aagga Jalalaqsi, sidoo kale waxaa hawlgalkan lagu dilay maleeshiyaad kale oo saarnaa gaariga iyo kuwa joogay halka uu hawlgalka ka dhacay.

Hawlgalkan oo dhacay galabta abaaro 4-tii galabnimo ayaa waxaa weli socda qiimeynta kama dambeysta ah ee khasaaraha Khawaarijta ku gaaray hawlgalkan.

Dowladda oo kaashaneysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah, waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, waxaana dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta."