Sarkaal sare oo ka tirsanaa Xisbullah oo lagu dilay weerar ka dhacay Lubnaan

Hoggaamiye Sare oo ka tirsanaa Ururka Xisbullah ayaa maanta lagu dilay weerar dhinaca cirka ah, oo Israel ay ka gaysatay koonfurta dalka Lubnaan.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Wissam Tawil ayaa lagu bartilmaameedsaday deegaanka Khibert Selm ee Degmada Bint Jbeil, xilli uu la socday gaarigiisa.

Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay weerartay gaariga, ka hor inta aanu dab ka kicin.

Wissam Tawil oo 58 jir ahaa ayaa loo yaqaanay (Jawad), wuxuuna ahaa Kuxigeenka Madaxa Unug ka tirsan Ciidamada Radwan. 

Ururka Xisbullah ayaa xaqiijiyay in Militariga Israel ay dileen mid ka mid ah taliyeyaashooda, markii ugu horreysay muddo saddex bilood ah, oo ay isku dhaceen Ciidamada Israel, ka dib duulaanka Israel ee Marinka Gaza. 

Dilkiisa ayaa daba socdo weeraro dhowr ah oo diyaaradaha dagaalka Israel ay ku qaadeen bartilmaameedyada Xisbullah ee dalkaasi.

Is dhaafsiga duqaymaha ee u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah, oo bilowday wixii ka dambeeyay 7-dii bishii October ayaad mooddaa inay gaartay meeshii ugu sarreysay.

Xisbullah ayaa sheegtay in tan iyo 7-dii October ay xoogageeda weeraro ka gaysanayeen fariisimaha ay Ciidamada Israel ku leeyihiin aagga xadka Lubnaan, si loo taageero shacabka Falastiiniyiinta ee dagaalka kula jira Israel.

Xiisadda ayaa xuduudda Lubnaan iyo Israel ka dhigtay mid ay xaaladeedu kacsan tahay, iyadoona ay dad badan colaadda uga barakaceen guryahooda.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in Tel Aviv ay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si loo xaqiijiyo buu yiri ammaanka waqooyiga Israel.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo booqasho ku jooga Bariga Dhexe ayaa dadaal ugu jira, sidii loo xakameyn lahaa colaadda, inkastoo Mareykanku uu weli taageerayo in Israel ay sii waddo hawlgaladeeda Gaza, balse ay yareyso khasaaraha dadka rayidka ah.