Shiinaha oo ka digay in xaaladda looga sii daro dadka reer Gaza

Shiinaha ayaa ka digay in xaaladda looga sii daro shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza, xilligan oo ay wajahayaan guluf ballaaran oo kaga imaanaya Israel.

Beijing ayaa walaac ka muujisay tallaabada ay inta badan dalalka deeq-bixiyeyaasha ee reer galbeedka ay dhaqaalaha uga goosteen Hay'adda Qaramada Midoobey ee Falastiiniyiinta, ka dib eedeyntii Israel ee ahayd in 12 ka mid ah shaqaalaheeda ay ka qayb qaateen weerarkii October 7-deedii.

Danjiraha Shiinaha ee Qaramada Midoobey, Zhang Jun ayaa sheegay in lagu jiro xilli xasaasi ah, oo ay tahay in lala tacaalo masiibada bani'aadantinimo ee ka jirta Gaza.

"Waxaan ku jirnaa xilli aad xasaasi u ah oo ay tahay in lala tacaalo masiibada bani'aadantinimo ee Gaza, iyadoo dagaalkuna uu weli socdo." Ayuu yiri Danjiraha.

Danjiraha ayaa ku baaqay in eedeymaha gaarka ah ee ka yimid Israel aanay dunida ka leexin dadaalo ay tahay xal loogu raadiyo colaadda Gaza.

"Waa in aynaan u ogolaan kiisaskan gaarka ah in ay dareenkayaga ka saaraan raadinta xabad joojin." Ayuu yiri Danjire Zhang Jun oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada New York.

UNRWA ayaa waxaa ka hawlgala 13,000 oo shaqaale oo ku sugan Gaza, waxayna maamushaa dugsiyada deegaanka, xarumaha caafimaadka aasaasiga ah iyo adeegyada kale ee bulshada, waana Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaybinta gargaarka.

Isuduwaha Gargaarka Bani'aadantinimada Qaramada Midoobey ee Gaza, Sigrid Kaag ayaa sheegtay inaysan jirin hay'ad kale oo bedeli karta awoodda baaxadda leh ee UNRWA.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres oo la kulmay wakiilo ka socda in ka badan 30 dowladood oo deeq-bixiyeyaal ah ayaa codsaday in la sii wado shaqada hay'adda.