Shiinaha oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Gaza, si xal loogu helo xiisadda Badda Cas

Shiinaha ayaa walaac xoogan ka muujiyay xiisadda cirka isku sii shareertay ee ka jirta Badda Cas, xiriirkana la leh carrada ka dhalatay weerarada baahsan ee Israel ka sii waddo Marinka Gaza.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Wenbin ayaa sheegay in xiisadda ka taagan Badda Cas ay saamayn muuqato ku leedahay maraakiibta badeecadaha iyo tamarta ee ka gudbaya marinkaasi.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda Badda Cas ee ka sii dartay dhawaan. Badda Cas waa marin ganacsi oo caalami ah oo muhiim u ah badeecadaha iyo tamarta." Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Caasimadda Beijing.

Waxa uu tilmaamay in xiisadda marin biyoodka Badda Cas ay la xiriirto colaadda Gaza, isagoona ku baaqay in hadda laga wada shaqeeyo, sidii loo soo afjari lahaa duulaanka Israel ee dhulka go'doonsan.

"Waa in hadda mudnaanta la siiyaa in la soo afjaro dagaalka Gaza, waana in sida ugu dhakhsaha badan looga fogaado oo looga hortaggo in xaaladda ay faraha ka sii baxdo." Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

Afhayeenka ayaa sheegaya in Beijing ay ka shaqeynayso, sidii ay u dejin lahaa xaaladda meeshii ugu adkeyd gaartay ee ka jirta Badda Cas.

Weerarada Xoogaga Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee ku wajahan Dekedaha Israel iyo jawaabaha isbahaysiga militari ee Mareykanka uu hoggaaminayo ayaa caqabad weyn ku noqotay maraakiibta ka gudbeysa Badda Cas. Weerarada Xuuthiyiinta ayaa markii hore ku koobnaa maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda, ha yeeshee markii Mareykanka iyo Ingiriiska ay 12-kii bishan bilaabeen inay duqaymo ka gaystaan dalka Yemen, shirkadaha waaweyn ee maraakiibta kunteenarada iyo kuwa booyadaha shidaalka ayaa si toos ah uga wareegay Badda Cas.

Shiinaha oo xiriir la leh dhammaanba dhinacyada ay xiisadda khuseyso ayaa isku dayaya, sidii mid caadiya loogu soo celin lahaa marinada ganacsiga badda.

Wang Wenbin, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay ka fogaadaan wax kasta oo xaaladda sii fogayn karta.

"Shiinuhu wuxuu ku baaqayaa in la joojiyo dhibaateynta iyo weerarada lagu hayo maraakiibta rayidka ah, waxaana ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay ka fogaadaan dabka sii hurinaya aagga, ayna si wadajir ah u sugaan ammaanka marinka Badda Cas." Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray "Shiinuhu wuxuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dhammaan dhinacyada, si loo qaboojiyo xaaladda, loona ilaaliyo ammaanka iyo xasilloonida Badda Cas."

Shiinaha waa dalka ugu badan ee wax dhoofiya, waana dalka ay saamaynta ugu badan ku yeelanayso, mar kasta oo gaabis uu ka jiro isu socodka Badda Cas.

Midowga Yurub ayaa ah cidda labaad ee ay saamaynta ugu darani ka soo gaareyso carqaladeynta mid ka mid ah marinada ugu waaweyn ee ganacsiga badaha.

Xuuthiyiinta ayaa sheegay in dhammaadka xiisadda Badda Cas ay ku xiran tahay in Israel ay soo afjarto gardaradeeda Gaza. 

Maraakiibta oo si nabdoon uga gudba marinada Bab al-Mandeb iyo Suweys ayaa meesha ka saari kara sicir bararka la sheegayo in dunida ay haatan halis ugu jirto, waa haddii reer galbeedka ay Israel ku qanciyaan in ay soo afjarto hawlgaladeeda militari ee Gaza, dadka rayidkana ay u ogolaato in gargaarka bani'aadantinimo la gaarsiiyo.