Shiinaha oo si adag uga hadlay duulaanka Israel ee Rafah

Dowladaha Shiinaha ayaa si adag uga hadashay weerarka dhinaca dhulka ee ay Israel sheegtay inay ku qaadeyso deegaanka dadka ku badan yihiin ee Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Shiinaha ayaa ka digay in hawlgalka ballaaran ee Rafah uu sababi doono masiibo ba'an oo bani'aadantinimo, taas oo xaaladda gobolka sii adkeyn doonta.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa Israel loogu baaqay inay si degdeg ah u soo afjarto hawlgaladeeda militari ee Marinka Gaza.

"Shiinaha waxa uu ugu baaqaya Israel in ay joojiso dhammaan hawlgalada militari, sida ugu dhakhsaha badan." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Diyaaradaha dagaalka Israel oo Isniintii duqayn culus ka gaystay deegaanka Rafah ayaa galaafatay nolosha 67 qof oo shacab ah, iyadoo dunida ay duulaanka Rafah u aragto mid dhibaato ku ah in ka badan hal milyan oo qof oo halkaas gabaad u raadsaday.

Shiinaha ayaa sheegay in duulaanka ku wajahan Rafah uu halis ku yahay dadka rayidka ah, isla-markaana uu kaga sii dari doono masiibada bani'aadantinimo ee ka dhalatay gargaarka sida weyn loogu baahan yahay ee la hortaagan yahay.

"Waa inaad sameysaa wax kasta oo suurtagal ah, si looga fogaado khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, loogana hortaggo in duulaanka Rafah uu uga sii daro masiibada bani'aadantinimo." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Shiinaha oo Israel uga digay ku xadgudubkeeda joogtada ah shuruucda caalamiga ah ayaa sheegay in Beijing ay ka soo horjeeddo falalka lagu waxyeeleynayo dadka rayidka ah, isla-markaana ay cambaareynayso.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in duqaymaha aan loo meel dayin ee meelaha dadku ku badan yahay ay noqon karaan dembiyo dagaal, marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kan dagaalka.

Gulufka militari ee la qorsheeyay ee ka dhanka ah Rafah ayaa laga muujiyay qaylo dhaan caalami ah oo ku saabsan in masiibo bani'aadantinimo ay ka dhacdo deegaanka ku yaala xadka Gaza iyo Masar, oo ay isugu taggeen in ka badan kala bar dadka reer Gaza, waana meeshii ugu dambeysay ee ay dadku ka raadsadeen inay kaga nabad galaan duqaymaha joogtada ah ee Israel.

Illaa iyo hadda inta la ogyahay weerarada baahsan ee Israel ka waddo Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 28,473 qof, halka tiro ka badan 68,146 kalena ay ku dhaawacantay, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Israel oo dacwad ay uga furan tahay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ayaa loo haystaa in ay xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza. Maxkamadda oo 26-kii bishii January soo saartay go'aan ku-meel-gaar ah ayaa sheegashada Koonfur Afrika oo dacwadda soo gudbisay ku tilmaamtay mid macquul ah.

Maxkamadda Qaramada Midoobey ayaa xilligaasi Israel ku amartay in ay yareyso khasaaraha dadka rayidka ah, tiiyoo ay muuqato inaanay u hoggaansamin.