Tirada dadka lagu dilay Gaza oo aad u korodhay

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay inay aad u korodhay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqaymihii ugu dambeeyay ee ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza.

Wasaaradda ayaa maanta sheegtay in ugu yaraan 165 Falastiiniyiin ah la dilay, 290 kalena la dhaawacay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Shalay ayaa la diiwaangeliyay in duqaymaha ka sii socda Gaza ay ku dhinteen 174 qof, halka 310 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in dilalkan ugu dambeeyay ay wadarta guud ee dhimashada ka dhigeyso 26,422 qof, halka dhaawacuna uu ka badan yahay 65,000 oo kale.

Wasaaradda ayaa dhanka kale sheegtay inay jiraan dad fara-badan oo ku hoos jira burburka dhismayaasha, isla-markaana ay adag tahay in kooxaha gurmadka ay gaaraan.

In ka badan 7 kun oo qof ayaa nolol iyo geeri midna lagu haynin, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ayaa Jimcihii Israel ku amartay in ay yareyso khasaaraha dadka rayidka ah, tiiyoo ay muuqato inaanay u hoggaansamin.

Hay'adaha Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in weli uu aad u hooseeyo gargaarka la gaynayo Marinka Gaza, tani oo baalmarsan amarkii ka soo baxay maxkamadda. 

Maxkamadda ayaa sidoo kale ka dalbatay Israel in muddo bil ah ay maxkamadda ku horkeento in ciidamadeeda ay xadideen waxyeelada dadka rayidka ah, xasuuqna aysan ka gaysan Gaza, isla-markaana ay wax ka qabatay gargaarka sida weyn loogu baahan yahay.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo Sabtidii ka hadlay go'aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Qaramada Midoobey ayaa si cad u diiday awaamiirta maxkamadda.

"Waxaan go'aansanay inaan u dhaqano si waafaqsan, waxa looga baahan yahay amnigeenna." Ayuu yiri Netanyahu oo ku hanjabay inaanay waxba ka bedeli doonin hawlgaladooda, inta ay ka gaarayaan hadafkooda dagaalka.

"Israel waxaa ka go'an inay guuleysato, inaan gaarno guul dhameystiran." Ayuu sii raaciyay Netanyahu.

Dhacdooyinka ay Militariga Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza ayaa hadda ah kuwo ay si dhow isha ugu hayso Maxkamadda ICJ.

Maxkamadda ayaa haatan galkeeda ku xariiqeysa falalka ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Gaza, ee leh dilka, tacadiyada, burburinta dhismayaasha iyo go'doominta guud, oo ay qayb ka tahay ciqaab wadareedyada ka dhanka ah dadka rayidka ah oo u dhiganta dembi dagaal. Ciqaab wadareedyada ayaa waxaa ka mid ah in dadka loo diido raashiinka, biyaha, korontada iyo sahayda dawada.

Tani ayaa sahli karta in maxkamadda ay go'aankeeda dambe ku soo shaaciso in Ciidamada Israel ay xasuuq ka gaysteen dhulka ay hawlgaladu ka socdaan, waana tallaabo muujin doonta, sida Israel ay ugu xadgudubtay axdiga ka hortagga ee xasuuqa.

Xukunka Maxkamadda ICJ ayaa qaadan kara muddo dheer. Sharci yaqaanada ayaa sheegaya in maxkamadda oo si qoto dheer u baareysa kiiska horyaalla ay u badan tahay in jawaabteeda la helo sanado ka dib.