Wararkii ugu dambeeyay xaaladda adag ee Marinka Gaza

Maalinba maalinta xigta ayaa waxaa ka sii dareysa xaaladda bani'aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza ee ka dhalatay duqaymaha ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan waqooyiga iyo koonfurta Gaza.

Duulaanka Israel ee Gaza ayaa sare u qaaday baahida dadka deegaanka ee ay dagaaladu halakeeyeen, oo ay ugu horreyso cunnada, biyaha, sahayda dawada iyo hoyga ay u baahan yihiin.

Arrinta walaaca leh ayaa ah in dadka ka baxsanaya colaadda ay adag tahay in ay si nabdoon ku gaaraan meelaha ay maciin-bidayaan.

Shaqaalaha Qaramada Midoobey ayaa Arbacadii agab caafimaad iyo shidaal geeyay Isbitaalka Al-Shifa ee waqooyiga magaalada, halkaas oo ay ku soo arkayn 50,000 oo qof oo guryahooda looga soo barakiciyay weerarada socda.

Kooxo kale oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo booqday isbitaalka koonfurta ku yaala ee Al-Amal ayaa waxay sheegeen inaanan lagu dhex lugeyn karin halkaasi, marka aad eegto duqaymaha joogtada ah iyo hawlgalka dhinaca dhulka ee ay Ciidamada Israel ka wadaan deegaanka Khan Yunis.

Kooxahan ayaa sheegay intii ay socdeen inay arkayn tobanaan kun oo qof oo ka cararaya dagaalada ka socda Khan Yunis iyo bartamaha Gaza. Waxay kaloo sheegeen in dadkaasi oo si khasab ah guryahooda looga soo saaray ay u dhaxeeyaan nolol iyo geeri.

Wakiilka Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee Falastiiniyiinta, Rik Peeperkorn ayaa sheegay in hay'addu ay ka walaacsan tahay barakacinta cusub ee dadka ay sii adkeyn doonto xarumaha caafimaadka ee koonfurta.

"Waxaa jirta halis, caafimaad darro, gaajo, haraad iyo hoy la'aan,  kuwaani waa inaysan noqon caadada mallaayiin qof, laakiin nasiib darro way yihiin." Ayuu yiri Rik Peeperkorn.

Peeperkorn ayaa yiri "Dhaqdhaqaaqa ballaaran ee dadku wuxuu sidoo kale u horseedi doonnaa ciriiri dheeraad ah iyo kordhinta khatarta cudurada faafa, waxayna adkeynaysaa xitaa bixinta gargaarka bani'aadanimo."

Tedros Ghebreyesus, Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka dhawaajiyay walaaciisa, isagoona Beesha Caalamka ugu baaqay in la qaado tallaabooyin degdeg ah, oo wax lagaga qabanayo masiibada bani'aadantinimo ee halkaasi ka jirta.

"Maanta waxaan ku celinayaa baaqayga Beesha caalamka in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah, oo lagu yareynayo khatarta khabuuraha ee soo food-saartay shacabka Gaza iyo inaanan la carqaladeyn awoodda shaqaalaha bani'aadantimada, si ay u caawiyaan dadka qaba dhaawacyada daran, kuwa aadka u gaajeysan iyo in laga hortaggo khatarta cudurada." Ayuu yiri Tedros Ghebreyesus.

Tedros Ghebreyesus ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in aanu weli Gaza ka shaqayn qaraarkii ay Jimcihii meelmariyeen Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee dalbanayay in si degdeg ah oo ammaan ah, oo aan la carqaladeyn gargaarka naf badbaadinta ah lagu gaarsiiyo Marinka Gaza.

"Qaraarka wuxuu ku baaqayay kordhinta gargaarka la gaynayo Gaza, balse weli wax saameyn ah ma yeelan, weli xaqiiq kama noqon goobta dagaalka." Ayuu yiri Ghebreyesus.

Ghebreyesus ayaa intaasi ku daray "Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey waa in ay si degdeg ah u soo jeediyaan qaraarkoodii ugu dambeeyay, si ay u abuuraan joojinta colaadaha ee marinada bini'aadantinimada. Xaqiiqda Gaza, ficilka ma'aha ereyo, waana waxa ay maanta u baahan yihiin dadka Gaza."

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, haweeneyda lagu magacaabo Linda Thomas-GreenField ayaa Jimcihii la soo dhaafay sheegtay in baaqa Golaha Ammaanka, ee ah in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo gargaarka bani’aadantinimo lagu gaynayo Gaza uu ogolanayo marin ammaan ah, iyadoo aan la carqaladeynin gargaarka iyo in la abuuro jewi lagu gaari karo heshiis xabad joojin ah oo waara, ha yeeshee mushkiladda ayaa ka jirta dhanka Israel oo hadda uun ballaarisay hawlgalkeeda, iyadoona ay weli xiran yihiin waddooyinka dhulka go'doonsan ee ay ciidamadeeda ku sugan yihiin.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii ku hanjabay in maamulkiisu uu xoojin doono dagaalka ay Ururka Xamaas kaga saarayaan Marinka Gaza.

“Ma joogsan doono dagaalka, waana sii wadaynaa, waxaana maalmaha soo socda xoojin doonnaa dagaalka, wuxuuna noqon doonnaa mid dheer. Marka ma dhawa dagaalka.” Ayuu yiri Netanyahu.

Netanyahu ayaa ku goodiyay in ay xoog ku soo furan doonaan la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto magaalada, isagoona dhegaha ka fureystay baaqyada ku aaddan inaanan halis la gelin nolosha la haysteyaasha.