Weerar askar badan lagu dilay oo ka dhacay dalka Pakistan

Ugu yaraan 10 askari ayaa lagu dilay, 6 kalena waa lagu dhaawacay weerar ay kooxo hubeysan saaka ka gaysteen saldhig boolis oo ku yaala waqooyi galbeed Pakistan.

Kooxahan ayaa la sheegay in iyagoo rasaas furaya ay xoog xoog ku galeen saldhiggaasi, halkaasna ay khasaare badan ugu gaysteen ciidamada.

Saldhigga la weeraray ayaa ku yaala deegaanka Draban ee Degmada Dera Ismail Khan ee Gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

"Ka dib markii ay gudaha u galeen dhismaha, argagixisadu waxay adeegsadeen bambaanooyinka gacanta laga tuuro, kuwaas oo khasaare badan u gaystay Ciidamada Booliska." Ayuu yiri Taliye Kuxigeenka Booliska Draban.

Boolisku ma sheegin cid loo soo qabtay weerarka, iyadoo illaa iyo haddana aysan jirin cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, mana cadda haddii weerarku uu xiriir la leeyahay arrimaha doorashooyinka ee Pakistan.

Weerarada iyo rabshadaha ka dhacaya dalkaasi ayaa maalmihii ugu dambeysay kordhay, ka hor doorashooyinka guud ee toddobaadkan ka bilaabanaya dalkaasi.

Musharax gole deegaan ayaa Arbacadii lagu toogtay meel kale oo ka tirsan Gobolka Khyber-Pakhtunkhwa, iyadoo isla maalintaas nin kale oo siyaasi ah lagu toogtay xafiiska doorashada ee xisbigisa ee Gobolka Balochistan.

Talaadadii weerar bam oo daba socday isu soo bax doorasho ayaa afar qof ku dilay Balochistan. Ururka Daacish ayaana xilligaasi sheegtay masuuliyadda weerarka.

Pakistan ayaa sanadkii 2022 waxaa dib uga soo laba kacleeyay weerarada ay gaysanayaan kooxaha Islaamiyiinta ee lagu bartilmaameedsanayo ciidamada ammaanka, markaas oo ay burburtay xabad joojintii u dhaxeysay Talibanta Pakistan iyo dowladda.