Weerar lagu dilay saddex ka mid ah Ciidamada Mareykanka oo ka dhacay dalka Jordan

Saddex askari oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay, shan iyo labaatan kalena waa lagu dhaawacay weerar diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay ka gayatay dalka Jordan.

Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhig militari oo ku yaala waqooyi bari Jordan, waana meel ku dhow xadka dalkaasi uu la wadaago dalka Suuriya.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in ay uruurinayaan macluumaadka ku aaddan weerarka lagu bartilmaameedsaday ciidamadiisa.

"Waxaan ognahay in ay fuliyeen kooxaha xagjirka ah ee Iran ay taageerto ee ka hawlgala Suuriya iyo Ciraaq." Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka.

Waxa uu sheegay in Washington ay la xisaabtami doonto kuwii ka masuulka ahaa weerarkaasi, waqtiga iyo goobta ku habboon.

Dowladda Jordan ayaa cambaareysay weerarka xalay ka dhacay dalkeeda, iyadoona sheegtay in Washington ay kala shaqeynayo la dagaalanka argagixisada.

Telefishinka Dowladda Jordan oo soo xiganaya Muhannad Mubaidin, oo ah Wasiirka Isgaarsiinta Jordan ayaa mar sii horreysay sheegay in weerarka uu ka dhacay meel ka baxsan Boqortooyada, kuna taala xadka Suuriya.

Xoogaga wax iska caabinta Ciraaq oo ay ku mideysan yihiin kooxo hubeysan oo Iran taageerto ayaa sheegtay masuuliyadda weeraro lagu qaaday saddex saldhig, oo uu ku jiro midka ku yaala xadka Jordan iyo Suuriya.

Kooxaha hubeysan ee Ciraaq ayaa horaan ku hanjabay inay beegsan doonaan Saldhigyada Ciidamada Mareykanka, haddii aysan Washington joojin taageeradeeda Israel.

Kooxahan oo si adag uga horyimid taageerada Mareykanka ee Israel ee duulaankeeda Marinka Gaza ayaa bartamihii bishii October bilaabay inay weeraraan saldhigyada ay Ciidamada Mareykanka kaga sugan yihiin dalkaasi Ciraaq, ka dibna waxa ay weeraradooda ku baahiyeen saldhigyada uu isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ay ku leeyihiin dalka Suuriya.

Weerarkan ka dhacay dalka Jordan ayaa noqonaya kiisii ugu khasaaraha badnaa ee Ciidamada Mareykanka loogu gaysto Bariga Dhexe, tan iyo markii ay colaadda dib uga soo dhex cusboonaatay Falastiiniyiinta iyo Israel.