Xamaas oo ka hadashay wararka sheegaya in Israel ay xoog kaga soo furatay la haysteyaal

Ururka Xamaas ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sheegashada Israel ee ku aaddan in hawlgal gaar ah ay ku soo furteen laba la hayste oo lagu haystay Marinka Gaza.

Militariga Israel ayaa Isniintii sheegay in hawlgal ka dhacay deegaanka Rafah ee koonfurta Gaza ay ciidamadooda ku soo furteen laba nin oo halkaas ay Xoogaga Xamaas ku haysteen. 

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in labadaasi nin lagu haystay dabaqa labaad dhisme ku yaala Rafah, oo sida uu sheegay ay ku ilaalinayeen dagaal-yahano ka tirsan Xamaas. 

Afhayeenka ayaa tilmaamay in ragga la soo furtay ay kala yihiin Fernando Simon Marman oo 60 jir ah iyo Louis Har oo 70 jir ah.

Osama Hamdan oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa sheegay inaysan jirin maxaabiis gacanta ugu jiray Xamaas, oo Ciidamada Israel ay xoog kaga furteen.

"Warbaahinta ayaan ka maqalnay sheegashada Israel ee ah in ciidamadeeda ay xoog ku soo furteen laba ka mid ah maxaabiista gacanta ugu jira Xamaas." Ayuu yiri Osama Hamdan.

Osama Hamdan ayaa yiri "Haba yaraatee ma jirto maxaabiis gacantayada ku jiray oo cadowga ay xoog ku kaxeysteen." 

Hamdan ayaa xusay in labadaasi nin ay gacanta ugu jireen dad gacan saar la leh kooxaha kale ee Falastiiniyiinta, isla-markaana aysan ahayn maxaabiista ay gacanta ku hayaan xoogagooda.

Labadan nin oo sidoo kale haystay dhalashada dalka Argentina ayaa dib ula midoobay qoysaskooda.

Dhanka kale duqayn xagga cirka oo qayb ka ahayd hawlgalka ayaa waxaa ku dhintay 67 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Duqaynta ayaa burbur xoogan u gaysatay dhismayaal la deganaa, xilli ay Rafah buuxdhaafiyeen dad tiradooda lagu sheegay 1.4 milyan oo qof, oo ah dadkii ay Israel duqaymaha uga soo barakacisay guryahooda.

Hawlgalka lagu soo furtay labadaasi nin ayaa guul weyn uga dhigan Israel, waana markii ugu horreysay oo ciidamadeeda ay hawlgal ku soo furtaan xubno ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.