Xamaas oo sheegtay inay aqbali doonto go'aanka Maxkamadda ICJ

Ururka Xamaas ayaa sheegay inay u hoggaansami doonaan go'aanka ku-meel-gaarka ah ee maanta la filayo in Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ay ka soo saarto dacwaddii xasuuqa ee ay Koonfur Afrika ka soo gudbisay Israel.

Maxkamadda oo fadhigeedu yahay Magaalada The Hague ayaa weli ku howlan baaritaanada eedeymaha sheegaya in Israel ay xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza, balse taasi bedelkeeda ay Jimcahan ku dhawaaqi karto awaamiir la xiriirta in si degdeg ah loo soo afjaro duulaanka Israel ee Gaza iyo in gargaar mug leh la gaarsiiyo dhulka la go'doomiyay.

Osama Hamdan oo ka tirsan Saraakiisha Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas ayaa sheegay in ay u hoggaansami doonaan, haddii maxkamaddu ay soo saarto amar lagu joojinayo dagaalka Gaza.

Sarkaalkan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Beyruut ee dalkaasi Lubnaan ayaa tilmaamay in Xamaas aysan jebin doonin amarka Maxkamadda ICJ, illaa ay Israel jebiso.

"Dhaqdhaaaqa Falastiiniyiinta waxay u hoggaansami doonaan amarka Maxkamadda Sare ee Qaramada Midoobey, illaa inta Israel ay ka falcelineyso." Ayuu yiri Osama Hamdan.

Osama Hamdan ayaa dhanka kale sheegay in Xamaas ay sii deyn doonto la haysteyaasha Israeliyiinta, haddii Israel ay xabsiga ka sii deynayso dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel oo lagu magacaabo Eylon Levy ayaa sheegay in Tel Aviv ay fileyso in Maxkamadda ICJ ay waxba jiraan ka soo qaaddo eedeymaha Koonfur Afrika.

"Waxaan filaynaa in ICJ ay tuurto eedeymahan been abuurka ah." Ayuu yiri Eylon Levy.

Sharci yaqaanada ayaa sheegaya in dacwadda Koonfur Afrika ay tahay mid si taxadar leh loo soo diyaariyay, isla-markaana ay dhibaato ku noqon karto Israel.