Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo cambaareeyay toogashadii Gaza

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa  cambareeyay toogashada ay Ciidamada Israel Khamiistii ku dileen in ka badan 100 qof oo shacab ah, boqolaal kalena ay ku dhaawaceen ee ka dhacday Marinka Gaza.

“Xoghayaha Guud wuxuu cambaareynaya dhacdadii ka dhacday Gaza ee lagu soo waramayo in lagu dilay in ka badan boqol qof, iyagoo raadinaya gargaar naf badbaadin ah. Dadka rayidka ah ee quusta ku ah Gaza waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, oo ay ku jiraan kuwa ku go'doonsan dhanka waqooyi, halkaasoo Qaramada Midoobey aysan awoodin inay gargaar gaarsiiso." Ayuu Stephane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Afhayeenka ayaa Wariyeyaasha u sheegay “Xoghayaha Guud waxa uu aad uga naxay dhibaatada bani’aadantinimo ee ka dhalatay iska horimaadka Gaza."

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray "Xoghayaha Guud waxa uu ku celinaya baaqiisa ku aaddan in xabad joojin degdeg ah la sameeyo."

Hoggaamiyeyaasha gobolka iyo kuwa ee kale caalamka ayaa cambaareeyay dhacdadan, oo ay ku dhinteen 112 qof, 760 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Israel iyo dunida ayaa ku sii kala fogaanaya xadgudubyadeeda ka baxsan bani'aadantinimada ee ay ka waddo dhulka muddada dheer ay go'doominta ku heyso.