Xoogaga wax iska caabinta Ciraaq oo sheegtay weerarka lagu qaaday Dekedda Haifa ee Israel

Xoogaga wax iska caabinta Ciraaq ee Iran taageerto ayaa sheegtay masuuliyadda weerar gantaalo loo adeegsaday, oo maqribninimadii xalay lagu qaaday magaalada dekedda leh Haifa ee waqooyiga Israel.

Warbaahinta Falastiiniyiinta iyo tan Israel ayaa sheegay in gantaal uu ku soo dhacay xeebta Haifa, halkaas oo ay sheegeen in qarax laga maqlay, ka dibna uu qiiq hawada isu shareeray goobta uu qaraxu ka dhacay.

Warbaahintu ma sheegin cid wax ku noqotay gantaalkaasi, marka laga soo taggo in dadku ku kala carareen halkaasi.

Sidoo kale kooxaha Ciraaq ayaa weerar kale oo gantaalo ah ku ekeeyay saldhig ay Ciidamada Israel ku leeyihiin Buuraha Golan ee Suuriya laga haysto.

Isla Axaddii, kooxahan ayaa weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxay ku weerareen laba saldhig oo Mareykanka uu ku leeyahay Bariga Dhexe.

War ay soo saareen ayay ku sheegeen in ay bartilmaameedsadeen Saldhigga Ciidanka Cirka Mareykanka ee Ain al-Asad ee gobolka galbeedka Ciraaq ee Anbar iyo Saldhigga Qasrak ee gobolka waqooyi bari Suuriya ku yaala ee Hasakah.

Warka ayaa lagu sheegay in weeraradan ay qayb ka yihiin hawlgalada militari ee ka dhanka ah danaha Mareykanka ee gobolka, waana weeraro ay sheegeen in lagu taageerayo shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza iyo sidii looga jawaabi lahaa gumaadka ay Israel ku hayso dadka rayidka ah.

Kooxaha wax iska caabinta ee gobolka ayaa si is daba joog ah u weerarayay fariisimaha Mareykanka iyo Israel ee gobolka, tan iyo wixii ka dambeeyay 7-dii October, markaas oo colaaddu ay dib uga soo dhex cusboonaatay Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel.

Weerarada har iyo habeen ee ay Ciidamada Israel ku leynayaan dadka reer Gaza iyo taageerada indha la'aanta Mareykanka ee Israel ayaa gobolka ka abuurtay carro iyo dareen xun, taas oo natiijadeedu ay noqotay in kooxaha wax iska caabinta ay diiradda saaraan danahooda gobolka.